Madaxweyne Donald Trump ayaa kulan socday ku dhowaad laba saacadood la yeeshay Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem, kulan ka dhacay Aqalka Cad, xilli uu maamulkiisu wajahayo cadaadis isa soo taraya oo ku saabsan istaraatiijiyadda socdaalka ee magaalada Minneapolis.
Kulankan ayaa imanaya kaddib dilkii Alex Pretti oo ay toogteen saraakiil federaal ah, dhacdadaas oo dhalisay caro dadweyne, bannaanbaxyo, iyo su’aalo badan oo ku saabsan hab-dhaqanka iyo doorka ciidamada federaalka ee howlgallada socdaalka
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Trump iyo Noem ay yeesheen wada-hadal furan oo adag, kaas oo diiradda lagu saaray sida loo sii wadi karo ajandaha socdaalka iyadoo la tixgelinayo falcelinta qaran iyo dhaleeceynta ka imanaysa xitaa qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga
Inkasta oo ay jireen warar xan ah, ilo-wareedyadu waxay caddeeyeen in Trump uusan ku hanjabin xil ka qaadis Noem, isla markaana Aqalka Cad uu mar kale adkeeyay in madaxweynuhu weli taageero buuxda u hayo Xoghayaha Amniga Gudaha.
Dhanka kale, maamulka Trump ayaa dib-u-habeyn ku sameynaya hoggaanka howlgallada Minneapolis, iyadoo Tom Homan loo diray inuu hoggaamiyo, halka baaritaanno federaal ah ay weli socdaan, su’aalo badanna ay ka taagan yihiin sida loo maareynayo amniga, mudaharaadyada, iyo kalsoonida dadweynaha.

