Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa wajahday fal rabshado wata intii ay khudbad ka jeedinaysay kulan dadweyne. Nin ayaa qalqal geliyay kulanka kaddib markii uu ku tuuray dareere aan la garanayn noociisa, kaas oo la sheegay inuu lahaa ur aan fiicnayn. Kulanka ayaa Talaadadii ka dhacay magaalada Minneapolis, xilli Ilhaan ay si adag u…




