Johannesburg – Dr. Hassan Hussein, oo ah aqoonyahan iyo khabiir ku takhasusay arrimaha biyaha iyo batroolka, islamarkaana in ka badan 10 sano u soo shaqeeyay shirkadda shidaallka ee ARAMCO ayaa ka qeybgalay bandhigga tignoolajiyada deegaanka ee IFAT Africa oo lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Bandhiggan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Afrika ee lagu soo bandhigo tignoolajiyada deegaanka ayaa diiradda lagu saaray xalalka casriga ah ee la xiriira biyaha, bullaacadaha, maaraynta qashinka, dib-u-warshadaynta, iyo tamarta nadiifta ah ee loogu talagalay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.
Carwada IFAT Africa ayaa isu keentay khubaro warshadeed, mas’uuliyiin dowladeed, iyo shirkado caalami ah, kuwaas oo halkaas ku soo bandhigay tignoolajiyo cusub oo wax ka tari karta caqabadaha sii kordhaya ee deegaanka ka jira gobolka. Dr. Hassan Hussein ayaa ka mid ahaa khubaradii si qoto dheer uga dooday xalka waara ee laga hirgelin karo Afrika, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya dowladaha, ganacsatada, iyo aqoonyahannada si loo helo xal waxtar leh oo la jaanqaadaya deegaanada Afrika.
Bandhiggan ayaa sidoo kale fursad u noqday in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya khubarada deegaanka iyo shirkadaha tiknoolajiyada, si loo horumariyo mustaqbalka cagaaran ee Afrika.
Abdikarim Mursal Farah
SBN SOMALI TV