Iran iyo Israa’iil oo Dagaalkoodu Sii Xoogeysanayo Iyadoo Xabbad-joojin Lagu Muransan Yahay

Share This

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaysa in ugu yaraan 3 qof lagu dilay magaalada Koonfureed ee Beersheba kaddib markii Iran ay ku garaacday dalkaas dhowr gantaal.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Israa’iil iyo Iran ay ku heshiiyeen xabbad-joojin si loo soo afjaro dagaalka uu ku tilmaamay “dagaalkii 12-ka maalmood.”

Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay inaysan jirin wax heshiis xabbad-joojin ah oo lala galay Israa’iil, balse Tehran ay joojin doonto weerarrada haddii Israa’iil ay joojiso “gardarrada sharci darrada ah” kahor saqda dhexe ee 4ta subaxnimo waqtiga maxalliga ah (00:30 GMT). Israa’iil weli si rasmi ah ugama hadlin.

Saacado ka hor, Iran ayaa dhowr gantaal ku garaacday saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka, si ay uga aargudato weerarradii Mareykanku ku qaaday goobaha nukliyeerka ee Iran Axaddii.

Iran waxay sheegtay in in ka badan 400 qof ay dhinteen, oo ay ku jiraan 13 carruur ah, iyo ugu yaraan 3,056 qof oo kale oo ku dhaawacmay tan iyo markii Israa’iil ay bilowday weerarradeeda 13-kii Juun. Dhinaca Israa’iil, ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay weerarrada Iran.

Tags

- Advertisement -