Qiimaha saliidda ayaa Isniintii si weyn kor ugu kacay, isagoo gaaray heerkii ugu sarreeyay tan iyo bishii Janaayo, kadib markii Mareykanka uu ku biiray weerarada Israel ay ku qaaday goobaha nukliyeerka ee Iran, taasoo walaac weyn ka dhalisay sahayda tamarta.
Labada nooc ee saliidda (Brent iyo WTI) ayaa horey u kacay in ka badan 3%, iyagoo gaaray $81.40 iyo $78.40 halkii foosto, taasoo ah heerkii ugu sarreeyay 5 bilood gudahood, inkasta oo uu hoos u dhacay qaddar yar kadib.
Kororka qiimaha saliidda ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu “baabi’iyay” goobaha ugu muhiimsan ee nukliyeerka Iran intii lagu jiray weerarradii dhamaadka usbuuca, isagoo ku biiray weerarka Israel, taasoo kor u qaaday xiisadda gobolka Bariga Dhexe, halkaas oo Iran ay ku dhawaaqday inay is-difaaci doonto.
Suuqyadu waxay filayaan in qiimaha saliiddu sii kordho, iyadoo laga cabsi qabo in Iran ay uga aargudato weerarka adoo xiraya marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo ku dhowaad 20% sahayda saliidda caalamka ay ka gudubto.
TV-ga Iran ee Press TV ayaa sheegay in baarlamaanka Iran uu ansixiyay qaraar lagu xirayo marin-biyoodka Hormuz, inkastoo Iran ay horey u hanjabtay taas, haddana aanay weligeed si rasmi ah u fulin.
June Goh, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Sparta Commodities, ayaa sheegtay in “halista waxyeellada ka imaan karta kaabayaasha saliidda ay si weyn u korodhay.”
Inkasta oo ay jiraan dhuumo kale oo saliidda laga dhoofiyo gobolka, haddana haddii Hormuz la xiro, qayb weyn oo saliid ah lama dhoofin karo. Shirkadaha rarida saliidda ayaa bilaabi doona inay ka fogaadaan gobolka, ayay tiri.
Qiimaha Brent ayaa kor u kacay 13% tan iyo markii uu dagaalku billowday 13-kii Juun, halka WTI uu kor u kacay qiyaastii 10%.
Khataraha siyaasadeed ee hadda jira waxay sii kordhin karaan jahawareerka sahayda tamarta ee caalamka.