Mareykanka oo Faah-faahin ka Bixiyay weerarkii uu ku Qaaday Iran

Share This

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in weerarka Mareykanku ku qaaday Iran uu si ula kac ah u ahaa mid xadidan, si loo diro fariin cad, balse uu Mareykanku leeyahay awood ciidan oo aan xadidnayn.
Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku wali rajo ka qabo in Iran dib ugu soo laabato wadahadalka nukliyeerka, isagoo xusay in farriimo badan – kuwa dadweynaha iyo kuwo gaar ahba – loo diray Iran si loogu dhiirrigeliyo inay miiska wadahadalka yimaadaan.
Mareykanka iyo Iran ayaa waday wadahadallo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka kahor intii uusan Israel weerar lama filaan ah ku qaadin Iran, weerarkaasi oo Mareykanku si fagaare ah u taageeray.

Taliyaha guud ee ciidanka Mareykanka, General Dan Caine, ayaa sheegay in qiimeynta khasaarihii ka dhashay weerarka lagu qaaday xarumaha nukliyeerka Iran wali socoto, isla markaana ay tahay goor hore in si rasmi ah wax looga sheego.

Wuxuu diiday inuu faallo ka bixiyo tallaabooyinka gaarka ah ee lagu ilaaliyay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, balse wuxuu xaqiijiyay in ciidanka Mareykanka diyaar u yahay inuu difaaco dalka, ciidamada, iyo danihiisa gobolka.

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -