Markabka Oruc Reis ee dalka Turkiga oo ah markab baaris oo casri ah ayaa xeebaha Soomaaliya ka helay qiyaastii 20 bilyan oo foosto oo shidaal ah kadib baaritaanno dhowr bilood socday. Waxaa la xaqiijiyay in laba ka mid ah saddexda baloog ee sahanku ka dhacay ay mid kasta xambaarsan yihiin qiyaastii 10 bilyan oo foosto, taasoo cadeyn u ah in xeebaha Soomaaliya ay kamid yihiin goobaha ugu weyn ee shidaalka adduunka ku jira.

Qeybta saddexaad ee baloogga, oo weli baaritaanku ka socdo, ayaa lagu wadaa in natiijooyinkiisa la shaaciyo bilooyinka soo socda. Khubarada Turkiga iyo kuwa Soomaaliya ayaa sheegay in haddii qeybta saddexaad sidoo kale laga helo shidaal, tirada guud ee shidaalka xeebaha Soomaaliya ku jirta ay noqon karto mid si weyn u beddesha dhaqaalaha dalka.
Arrintan ayaa horseedaysa wadahadallo siyaasadeed iyo dhaqaale oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Turkiga si loo qorsheeyo sida looga faa’iideysanayo kheyraadkan dabiiciga ah, iyadoo sidoo kale ay jiraan daneyn caalami ah oo sii kordhaysa maadaama shidaalka noocan ah uu sare u qaadi karo saameynta istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika.
Waxaa xusid mudan in mashruucani uu qeyb ka yahay heshiis is-afgarad oo labada dowladood kala saxiixdeen, kaasoo ujeedkiisu yahay iskaashi dhinacyada kheyraadka badda, sahanka shidaalka, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa filaysa in tan ay horseedi doonto shaqo abuur, kordhinta dakhliga qaranka, iyo maalgeshi shisheeye oo cusub oo dalka soo gala.
Abdikarim Mursal Farah
SBN SOMALI TV