Halkeebuu ku dambeyndoonaa mustaqbalka wadahadalada fashilka ku soo dhamaaday ee Soomaaliya iyo Ethiopia?

Share This

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey inay fashilmeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku yesheen Ankara.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay diiday inay aqoonsato madax-banaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo nasiib darro ku tilmaamay arrintaan, una cadeeyey wax bad ama ganacsi ah aysan labada dal ka wadahadli doonin.

“Wadahadalkii Ankara waxaan uga soo kala tagnay in Itoobiya diiday inay aqoonsato Soomaaliya inay tahay dal xor ah oo deris la ah, ilaa taas ay ka ogolaatana badna kama hadli karno, ganacsina kama wada hadli doono,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrinta Itoobiya, “Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadan badeena ku darsato,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaaci jirtay qawaaniinta caalamiga ah, isagoo mar kale Itoobiya ugu baaqay inay ku soo laabato qawaaniinta caalamiga ah, isagoo shaaciyey wax yaabihii fashiliyey wadahadaladii Itoobiya.

“Wadahadalkii Ankara sababta loogu kala tegay waa in Itoobiya ay weli diidan tahay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo deriskeeda ah, taas ilaa ay ka aqoonsaneyso bad iyo ganacsi toona kama wadahadli karno, waa nasiib darro in qadiyadaas ay dadka qaar noo fahmeen inaan siyaasad ka dhex raadineyno ee xuquuqdii qarankaan ayaan ilaalineynaa, qof naga dambeeyana ma ogolaa doono ee dowladda Itoobiya miyirku ha u soo laabto,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay bilowday daandaansi, balse hadafka Soomaaliya uu yahay in Jamhuuriyadda Soomaaliyeed aan lasoo faro-gelin, hadii wax kasta dhacaan.

“Uma aanaan jawaabin Itoobiya wax kasta oo ay sameysan, hadafkeena ayaan ku taaganahay Turkigu waa dadaaleen, waana u mahad celinaynaa, laakiin xaqeena kama tanaasuli doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay wadahadaladii Ankara iyo dhex dhexaadinta Tuekiga intaba ay yihiin mid Turkiga uu danihiisa gaarka ah ka wato.

“Turkiga muxuu ugu dagaalamayaa inuu Xamar garab taagnaado iyo dowladiisa kolba intii Xamar ku soo horta danaha dalkiisa ayuu ka dhex arkaa dowlad waliba waxay ku dadaashaa danaha dalkeeda, ayuu intaa raaciyay.

Maxaa laga dheehan karaa khudbaddii madaxweynaha gaar ahaan qeybtii uu kaga hadlayay arrinta Itoobiya?

Madaxweyne Xasan Sheekh

“Marka laga reebo sharraxaadda dheer ee uu bixiyay waxaa uu madaxweynaha ku celiyay mowqifkii Soomaaliya dowladda ee bilowgii sannadkan kaas oo ahaa in is afgaradka dhexmaray Itoobiya iyo Addisababa uu xad-gudub ku yahay madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliyeed, Itoobiyana aysan xaq u lahayn in si dharci darro ah ay dhul ama bad Soomaaliyeed ay ku raadiso,” ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, horayna u soo noqday wasiir kuxigeenka batroolka.

Maxamed Mukhtaar ayaa sidoo kale yiri: “Waxaa sidoo kale uu ka hadlay inay isku dayo lagu doonayay in xal looga gaaro arrintan sababtoo ah wadahadalka waxa uu ka fiican yahay gacan ka hadalka hase yeeshee dowladda Itoobiya ayay ka suuroobi weysay in wadahadalladii ay miiskooda soo fariisatay ay daacad ka noqoto taas oo u muuqatay in waqti lumin iyo is-daba-jiitan ay sameyso oo aysan ka go’nayn inay aqoonsato shuruucda caalamiga ah.”

Abiy iyo Muuse Biixi

Maxamed Mukhtar oo ka jawaabaya su’aal ay BBC-du weydiisay oo ahayd ma kula tahay in Itoobiya ay dooneyso inay dhaqan geliso heshiiskii is afgaradka ee ay la gashay Soomaaliland maaddaamaa uu madaxweyne Xasan sheegay in Itoobiya ay sabab u ahayd inay fashilmaan wadahadalladii Ankara ee uu Turkiga gar wadeenka ka ahaa ayaa ku jawaabay:

“Itoobiya laftigeeda culeys baa saaran ama ha haado gudeheeda ama caalamkaba sababtoo waddada ay fureyso Itoobiya haddii ay ku dhaqanto, ogow iyada lafteeda waa qowmiyada kala duwan oo qaarkod ay jeclaan lahaayeen inay ka baxaan midnimada Itoobiya sidoo kale Africa waddamo badan ayay ka jirtaa tabasho dadka guduhooda ah marka waddaas shariyan ma aha waddo u fudud.”

Waxa uu sidoo kale yiri: “Haddii ay dhacdaba ma filayo inay dhaceyso oo dekado qeyb ka mid ah ay sheegato waan ognahay Itoobiya maanta ma haysato dhaqaale ku filan oo ay ku dhisato dekadahaas waxyna u baahnaan doontaa maaligelin caalami ah marka meel aan shuruuc caalami ahna ku dhisnayd wey adkaaneysaa inay maal-gelin caalami ah ay hesho.”

Madaxweynaha ayaa ka hadlay heshiisyada ay Soomaaliya la geleyso dalalka kale, “Soomaaliya waa xor, cidey doonto oo maslaxadeeda ay ka dhex aragto ayey la heshiinee, danaheena cidii ka hor imaata, anagana danahooda waan ka hor imaaneynaa, waxaan ka shaqeynaa maslaxadeena kaliya,” ayuu yiri.

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -