Maqas ayaa calooshiisa looga dhextagay!

Share This

Waxaa xalay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo, Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya lagu aasay Allaha u naxariistee Shukri Maxamuud Macallin Xasan oo u geeriyooday maqas calooshiisa looga dhex tagay.

Shukri ayaa muddo toddobaad ah ku jiray Isbitaalka Takhasuska sare ee Sheekh Xasan Yabare ee magaalada Jigjiga ee isla Dowlad Deegaanka Soomaalida, halkaas oo looga sameeyay qalliin looga saarayay maqaska, sida uu BBC-da u sheegay wiilkiisa, Maxamed Shukri.

“In muddo ah ayuu ka sheeganay killida uu maqasku xigay, wax baa iiga taagan oo i duraya ayuu dhihi jiray,” ayuu yiri Maxamed.

Shukri oo 65 jir ahaa ayaa saddex bilood kahor isla isbitaalka Jigjiga looga sameeyay qalliin dhanka caloosha ah, kaddibna uu ku laabtay magaalada Wardheer oo uu ku noolaa.

“Isbitaalka Wardheer ayaan geynay, waxba waa ka fahmi waayeen, kaddib ayaan ku celinnay isbitaalka Jigjiga,” ayuu yiri.

Maxamed ayaa sheegay in markii maqaska lagu arkay kaddib la geliyay qalliin degdeg ah, balse uu u geeriyooday markii dambe.

“Markii ay u sheegeen in calooshiisa maqas looga dhex tagay, aad ayuu u walaacay, qalliinka kaddibna marba marka ka dambeysa xaaladdiisa way kasii dareysay,” ayuu intaa raaciyay.

Shukri ayaa in muddo ah ka cabanayay xanuunka gaaska iyo jooniska, uuna maray dhowr qalliin.

“Xaalad adag ayuu galay kaddib qalliinka waxaana loo gudbiyay qeybta gargaarka degdegga ah ee ICU,” ayuu yiri Maxamed.

Shukri ayaa ka tegay toddobo carruur ah iyo xaas. Qoyska ayaa haatan ku mashquulsan dhacdadaas iyo tacsida.

Maxay qoysku ka yeelayaan arrintan?

Jijiga Sheik Hassen Yabare Referral Hospital

Maxamed ayaa sheegay in qoysku aysan weli la hadlin isbitaalkii maqaska uga dhex tagay caloosha aabbihiis.

“Weli waxaan ku mashquulsaneen aaska iyo tacsida, balse waan qorsheyneynaa inaan arrintan galno,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay inaysan weli hubin in isbitaalku qirsan yahay khaladka ka dhacay, balse ay la xaaltami doonaan oo ay weydiisan doonaan inay ka garaabaan.

“Haddii ay xaqeenna ina siinayaan iyo haddii ay dafirsan yihiin waan ogaan doonnaa,” ayuu yiri.

Wuxuu Maxamed sheegay inay arrintan kala kaashan doonnaan Xafiiska Caafimaadka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo laamaha sharciga.

Lama sheegin sababta iyo sida ay ku dhacday in maqas looga dhex tago caloosha marxuumka.

Isbitaalka oo aan isku daynay inaan la xiriirno si aan wax uga weydiinno arrintan ayaysan inoo suurtogelin.

Xog ku saabsan isbitaalka

Isbitaalka Takhasuska sare ee Sh/ Xasan Yabare waa kan ugu weyn bariga Itoobiya.

Hore ayaa loo oran jiray isbitaalka Meles Zenawi, oo bishii January sanadkii 2017 uu u bixiyay madaxweynihii Dowlad Deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Sanadkii 2018 dhammaadkiisii ayaa haddana waxaa magaca ka beddelay madaxweynaha haatan, Mustafe Muxumed Cumar, waxaana loo bixiyay magaca haatan loo yaqaanno.

Meles Zenawi, raysal wasaarihii hore ee Itoobiya ayaa 20 August 2012 ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Biljamka.

Isbitaalka ayaa waxaa la dhisay sanadkii 2006 waxaana xarigga ka jaray raysal wasaarihii hore ee dalkaas Hailemariam Desalegn. Tan iyo wagaaasna waxaa isbitaalka gacanta ku haysay Jaamacadda Jigjiga.

Isla 20-kii bishan oo ahayd maalintii uu Shukri ku geeriyooday isbitaalka, ayaa isbitaalkan lagu sameeyay ballaarin.

Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar, oo ay wehliyeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya Dr. Liya Tadase iyo maareeyaha isbitaalka Dr Cabdulaahi Xuseeniyo mas’uuliyiin sare ayaa xarigga ka jaray ballaarinta lagu sameeyay cusbitaalka oo ay ku baxday lacag dhan 500 oo milyan oo birta Itoobiya ah.

Ballaarintan lagu sameeyay isbitaalka ayaa isugu jirtay qalabayn, ceel-biyood, qurxin iyo dib-u-casriyayn.

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -