War cusub oo la xiriira lacagaha waxbarashada Mareykanka – 23 gobol iyo laba guddoomiye gobol ayaa dacweynaya maamulka Trump

Share This

Saddex iyo labaatan xeer-ilaaliyeyaal guud oo goboleed, oo ay la socdaan laba guddoomiye gobol, ayaa maxkamad ku dacweeyay maamulka Trump kadib go’aankii lagu hakiyay $6.8 bilyan oo ahaa deeqo federaali ah oo loogu talagalay waxbarashada. Dacwadda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid sharci-darro ah, si aan nidaam lahayn loo qaaday, aan garawshiiyo lahayn, isla markaana ku xad-gudbaya dastuurka.

Waa maxay lacagaha la hakiyay?

Lacagahaas waxay aheeyeen taaeegro wax barasho oo Federaalka bixinayay badan sida:

  • Barnaamijyada loo yaqaan after school iyo kuwa xagaaga
  • Qorista iyo tababarka macallimiinta
  • Barashada Ingiriisiga
  • Horumarinta aqoonta ardayda
  • Barashada dadka waaweyn
  • Tababarka shaqo raadinta

Saameynta gobollada

Tusaale ahaan, gobolka Kentucky ayaa wajahaya khasaaro dhan $96 milyan, iyadoo madaxda gobolka ay ka digeen in tani ay khatar ku tahay mustaqbalka ardayda.

Guud ahaan dalka, qiyaastii 1.4 milyan oo carruur ah oo ka soo jeeda qoysas dakhligoodu hooseeyo ayaa ka faa’iidaysta deeqaha la hakiyay ee loogu magac daray 21st Century Community Learning Center grants.

Waqtiga iyo sababta la hakiyay

Kongareeska Mareykanka ayaa si sharci ah u meel mariyay lacagahan, waxaana loo qorsheeyay in la bixiyo ugu dambeyn 1-da July. Laakiin 30-kii June, Waaxda Waxbarashada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in la hakiyay lacagahaas, iyagoo lagu sababeeyay in maamulka cusub uu dib u eegayo in barnaamijyada ay la jaanqaadayaan mudnaanta Madaxweynaha cusub.

Dood siyaasadeed oo ka dhalatay

Go’aanka hakinta ayaa dhaleeceyn ballaaran kala kulmay labada xisbi – Dimuqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta oo uu ka mid yahay sarkaalka ugu sareeya waxbarashada gobolka Georgia oo Jamhuuri ah. Waxay sheegeen in la hakiyo lacag sharciyan ay Kongareesku ansixiyay ay dhaawaceeyso kalsoonida iyo mas’uuliyadda miisaaniyadda qaranka.

Difaaca maamulka Trump

Xafiiska Maareynta iyo Miisaaniyadda ayaa sheegay in hakinta lacagahan ay ujeedadeedu tahay in la hubiyo in lacagaha federaalka aysan u adeegaynin ajando bidix-fog ah oo xagjir ah.

Tags

- Advertisement -