wararka ka soo kordhay Shirkii NATO - SBN News

wararka ka soo kordhay Shirkii NATO

Share This

Donald Trump ayaa maanta shir albaabadu u xiran yihiin la yeeshay hoggaamiyayaasha NATO, isaga oo sheegay in “xaaladda Ukraine ay gabi ahaanba ka baxday gacanta, isla markaana ay u baahan tahay in si degdeg ah wax looga qabto,” sida ay werisay Bloomberg.

Dhanka kale, shir madaxeedkii NATO ee ka dhacay magaalada The Hague ayaa lagu gaaray go’aan ah in dhammaan 32-ka dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga ay ku maalgeliyaan NATO 5% wax soo saarkooda guud (GDP), si kor loogu qaado kharashaadka difaaca iyo amniga. Sidoo kale, dal walba ayaa laga dalbaday inuu sannad walba soo gudbiyo warbixin muujinaysa horumarka nidaamkiisa difaaca. Tani waxay muujinaysaa tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo awoodda isbahaysiga.

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -