Ugu yaraan laba supertanker ah ayaa dib uga laabtay meel u dhow marin-biyoodka Hormuz kaddib weerarrada milatari ee Mareykanka ku qaaday Iiraan, sida ay muujinayaan xogta raad-raaca maraakiibta. Xiisadda sii xoogeysaneysa ee gobolka ayaa sababtay in maraakiib badan ay safaradooda dedejiyaan, joojiyaan ama beddelaan.
Go’aanka Mareykanka ee ku biirista weerarada Israa’iil ku qaaday Iiraan ayaa kiciyay cabsi ah in Iiraan ay u jawaabto, ayna xirmi karto marin-biyoodka Hormuz ee u dhexeeya Iiraan iyo Cumaan, halkaasoo ku dhawaad 20% ka mid ah baahida shidaalka iyo gaaska dunida ka gudubto.
Giriigga oo ah waddan si weyn u leh maraakiibta shidaalka qaada ayaa uga digay milkiilayaasha doonyihiisa inay ka fogaadaan marin-biyoodka Hormuz, iyagoo ugu baaqay inay ku sugaan dekedaha ammaan ah.
Marinkan Hormuz wuxuu muhiim u yahay gaadiidka shidaalka caalamka, gaar ahaan Aasiya. Khubarro falanqeeya suuqyada ayaa ka digay in haddii Iran xirto marinkan, qiimaha saliidda uu gaari karo $100 ilaa $110 halkii foosto, gaar ahaan haddii qulqulka shidaalka uu yaraado muddo bil ah ama ka badan, sida uu sheegay Goldman Sachs.