Saraakiil Mareykan ah ayaa ka digay in Iiraan ay 48 saac gudahood weerar ku qaadi karto saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe, iyadoo heegan buuxa lagu jiro. Safaaradda Mareykanka ee Qatar ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykan inaysan guryaha ka bixin.
Dhanka kale, Madaxweyne Putin ayaa Moskow kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan isagoo cambaareeyay weerarrada lagu qaaday Iiraan kuna tilmaamay kuwa sharci-darro ah oo colaad hurinaya. Putin wuxuu ballan qaaday taageero buuxda oo Ruushku la garab istaagayo shacabka Iiraan.
Israa’iil oo dhinaceeda weerarro ka wada gudaha Tehran, ayaa farriin u dirtay Iiraan si dagaalka loo joojiyo, balse Iiraan waxay ku jawaabtay: “Waqtiga nabadda weli lama gaarin.” Bartilmaameedyada duqeymaha waxaa ka mid ah xabsiga siyaasadeed ee Evin iyo xarumaha warbaahinta dowladda.
Dhinaca kale, saddex diyaaradood ayaa laga celiyay hawada Tel Aviv kaddib gantaallo Iiraan ka soo riday, halkaasoo dad badan ay doonayeen inay dalka ka baxaan. Iiraan sidoo kale waxay qarxisay xarun koronto, taasoo qeyb ka mid ah koonfurta Israa’iil ka dhigtay mugdi.
Ra’iisul Wasaarihii hore Ee Israa’iil, Ehud Olmert, ayaa yiri: “Iiraan ma burburayso… fikirka ah in weerarro la iska difaaco uu burburin karo waddan 90 milyan ah waa khiyaali.”