Mareykanka oo Faah-faahiyay Qaabka uu u qaaday Weerarka uu Ku Qaaday Iran

Share This

Taliyaha guud ee ciidanka Mareykanka, General Dan Cane, ayaa faahfaahiyay weerarkii lagu qaaday Iran oo lagu magacaabay “Operation Midnight Hammer”.

Weerarka ayaa la sheegay inuu si qorsheysan uga dhacay dhul, cirka, iyo dhanka sirdoonka, iyadoo B-2 bombers laga soo diray Mareykanka oo ay 18 saacadood soo safreen si ay u gaaraan bartilmaameedyadooda.

Howlgalka waxaa lagu daray xeelado marin-habaabin ah iyo difaac xawaare sare leh oo lagu ilaaliyay diyaaradaha.

General Cane wuxuu sheegay in aysan jirin wax rasaas ah oo ay rideen difaacyada Iran, diyaaradaha dagaalkoodana aysan duulin, islamarkaana nidaamyadooda gantaallada aysan arkin weerarka.

Tags

- Advertisement -