Iran Waxaa U Furan Dhoowr Siyaabood oo ay ku Aargoosan karto

Share This

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Iran ay u aargoosan karto duqeymaha Mareykanka iyadoo xiri karta marin-biyoodka Hormuz, oo ah waddada ugu muhiimsan ee dhoofinta saliidda dunida, ay weerari karto saldhigyada milatari ee Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe, ay kordhin karto gantaallada ay ku garaaceyso Israa’iil, ama ay dhaqaajiso kooxaha ay wakiillada ka leedahay si ay u beegsadaan danaha Mareykanka iyo Israa’iil dunida dacalladeeda.

Tallaabooyinkaas ayaa u beddeli kara xaaladda dagaal ballaaran oo waqti dheer qaata, mid ka duwan waxa Madaxweyne Trump filayay, taasoo dib u soo nooleyn karta xasuusta “dagaalladii aan dhammaanayn” ee Mareykanku ka galay Ciraaq iyo Afghanistan kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo “doqonimo ah” oo uu ballan qaaday inuusan mar dambe ku dhici doonin.

“Awoodda milatari ee Iran si weyn ayaa loo wiiqay oo loo dhimay,” ayuu yiri Aaron David Miller, oo hore uga tirsanaa ergada nabadda Bariga Dhexe ee xukuumadihii Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga. “Laakiin waxay haystaan siyaabo badan oo aan toos ahayn oo ay uga jawaabi karaan… Tani si fudud uma dhammaanayso.”

Tags

- Advertisement -