Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh — Fursado iyo Caqabado

Share This

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah siyaasi khibrad u leh dhismaha xisbiyada iyo hannaanka dimuqraadiyadda, ayaa wajahaya fursado ballaaran iyo caqabado dhab ah xilli uu yagleelay xisbiga cusub ee uu hoggaaminayo ee Caddaaladda iyo Wadajirka. Xisbigaasi wuxuu muujinayaa ifafaalo ah inuu noqon karo mid saamayn weyn ku yeesha siyaasadda dalka, hase yeeshee waxa jira arrimo culus oo u baahan in si xeel dheer loogu wajahdo.

Fursadaha

1. Taageerada Siyaasiyiin Saameyn Leh iyo Maamul Goboleedyo

Xisbiga wuxuu durba kasbaday taageero muuqata oo ka imaneysa siyaasiyiin miisaan culus leh iyo qaar badan oo ka mid ah maamul goboleedyada dalka sida Banaadir, SSC-Khaatumo, Hirshabeelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed. Tani waxay xisbiga siinaysaa sal ballaaran oo siyaasadeed, gaar ahaan marka la eego khariidadda codbixinta mustaqbalka.

2. Rabitaanka Dadweynaha ee Doorasho Qof iyo Cod

Shacabka Soomaaliyeed waxay u muuqdaan kuwo aad u daneynaya in laga gudbo nidaamka qabyaaladeed ee 4.5 una gudbo doorashooyin qof iyo cod ah. Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu fursad weyn ku leeyahay in uu hogaamiyo isbeddelkaas, maadaama uu horey ugu dooday nidaamkaas.

3. Khibradda Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh waa siyaasi horey u aas-aasay xisbi (UPD), wuxuuna leeyahay khibrad iyo faham ballaaran oo ku saabsan abaabulka siyaasadeed. Tani waxay xisbiga cusub siinaysaa hogaamin leh waaya aragnimo, aragti fog iyo nidaam abaabulan oo tartan adag geli kara.

Caqabadaha

1. Ka Maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland

Xisbiga cusub wali waxaa ka soo horjeeda siyaasiinta mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland laba maamul oo door muhiim ah ku leh siyaasadda iyo saameynta dalka. Ka maqnaanshahooda wuxuu dhaawici karaa kalsoonida guud ee xisbiga iyo isku dheelitirka saameynta gobolka.

2. Daacadnimada iyo Isku Halleynta Xubnaha Xisbiga

Mid ka mid ah su’aalaha taagan waa intee le’eg ayay xubnaha xisbiga uga go’an tahay mabda’a iyo hadafka xisbiga. Haddii ay ku badan yihiin kuwa dan gaar ah leh ama si sahlan isu beddela, waxay taasi khatar ku tahay kalsoonida shacabka iyo isku duubnida gudaha xisbiga.

3. Caqabadda Amni:

Xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan khatarta ka imaanaysa Al-Shabaab iyo kooxaha mucaaradka ah ee adeegsanaya ciidan beeleed, waxay xisbiga cusub hor dhigtay caqabad wayn. Xisbi siyaasadeed kuma shaqeyn karo amni darri, oo haddii amni la’aan jirto, gaar ahaan marka la gaaro ololaha iyo isu imaatinnada dadweynaha iyo xilliga codbixinta.

Gunaanad:

Xisbiga cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu haystaa fursado muuqda oo u horseedi kara saameyn siyaasadeed oo weyn haddii uu si dhab ah u wajahdo caqabadaha jira. Haddii uu kasbado taageerada saami leyda siyaasadeed sida mucaaradka, maamul goboleedyada ka maqan, iyo dhisidda ama xoojinta kalsoonida gudaha xisbiga, isla markaana xalliyo caqabadaha amni, wuxuu noqon karaa xisbi hogaamin kara marxaladda cusub ee siyaasadeed ee Soomaaliya.

Tags

- Advertisement -