Dawladda Somaliland ayaa qorsheyneysa inay si rasmi ah uga furto safaarad casri ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi, iyadoo roog cas loo dhigay markii uu halkaas kasoo degay, taasoo muujineysa heerka sarre ee booqashadiisa.
Madaxtooyada Somaliland ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Cirro uu kulamo rasmi ah la yeelan doono madaxda dowladda Kenya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo labada dhinac khuseeya. Booqashadan oo qaadan doonta dhowr maalmood ayaa ujeedkeedu yahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhanka ganacsiga, ammaanka, iyo horumarinta guud.

Inta uu ku sugan yahay Nairobi, Madaxweyne Cirro ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweyne William Ruto si ay uga wadahadlaan arrimo muhiim u ah Somaliland. Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in uu la kulmo wakiillo ka tirsan hay’adaha caalamiga ah iyo qaar kamid ah safaaradaha dalalka beesha caalamka ee ku yaalla magaalada Nairobi.
Safarkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah kor u qaadista xiriirka caalamiga ah ee Somaliland, iyadoo furitaanka safaaradda cusub ee Nairobi uu muujinayo dadaalka Somaliland ee ku aaddan in ay hesho aqoonsi iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan.