Madax-Bannaanida Soomaaliya iyo Faragelinta Imaaraatka iyo Arragtida cusub ee Geeska Africa

Share This

Soomaaliya ayaa muddo dheer la tacaaleysay saamayn dibadeed oo ka imaanaysa quwadaha gobolka, waxaana Imaaraadka Carabta si gaar ah looga dareemay saameyntooda siyaasadeed, dhaqaale, iyo ciidan. Maalgashi ballaaran oo Imaaraadku ka sameeyeen maamul-goboleedyada Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, Jubbaland, iyo Somaliland, ayaa sababay khilaafyo siyaasadeed iyo walaac laga qabo madax-bannaanida dalka.

Xilligii Madaxweyne Farmaajo – Xiriir Qabow iyo Xannibaad Imaaraad

Intii uu xilka hayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (2017–2022), xiriirka u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta wuxuu gaaray heer hoose. Dowladda Farmaajo waxay si cad u diiday in Imaaraadku faragelin toos ah ku yeeshaan arrimaha gudaha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jirtay dhacdo si weyn loo xasuusto: bishii Abriil 2018, dowladda Soomaaliya waxay la wareegtay lacag dhan $9.6 milyan oo Imaaraadku doonayeen in ay si qarsoodi ah u geliyaan Muqdisho, taasoo sababtay in Imaaraadka ay joojiyaan tababaradii ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Farmaajo waxay dadaal badan gelisay in la xoojiyo madax-bannaanida dowladda dhexe iyo in laga hortago saameynta siyaasadeed ee quwadaha shisheeye, arrintaas oo ka careysiisay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo markaas bilaabay in ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin maamul-goboleedyada.

Xukuumadda Xasan Sheekh – Culeys Siyaasadeed iyo Diblumaasiyad Dooda Wadata

Markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar kale loo doortay xilka sanadkii 2022, wuxuu wajahaya xaalad adag oo dhinacyo badan leh. Inkasta oo uu isku dayay in uu dib u hagaajiyo xiriirka Imaaraadka, haddana weli waxaa muuqda culeys ku socda dowladda dhexe oo la xiriira sida Imaaraadku u marinayaan maamul-goboleedyada iyaga oo hareer maraya dowladda dhexe.

Maalma yar kadib markii dib loo doortay MD Xasan Sheekh wuxuu fasaxay lacag uu Imaaraadku si sharci-darro ah u keenay dalka, taasoo uu horey u xanibay Madaxweyne Farmaajo, arrintaas oo dadka qaar u muujisay in xiriir dhow oo uu la leeyahay Imaaraadka.

Aragtida Madaxweyne Geelle ee Jabuuti – Xoojinta Walaaca Gobolka

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu shalay (24 May 2025) si kulul u dhaliilay Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in maalgelinta ay ka wadaan Afrika aysan ahayn mid dhaqaale oo keliya, balse ay tahay xeelad ciidan oo hoos u dhigaysa madax-bannaanida dalalka Afrika.

Geelle wuxuu xusay in Imaaraadku yihiin kuwo “si qoto dheer u wiiqaya xasilloonida gobolka,” wuxuuna ku tilmaamay xiriirka ay la leeyihiin maamul-goboleedyada Soomaaliya mid aan xushmaynayn midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Gunaanad

Soomaaliya iyo Isbedbeddelka Qariibka ah ee Diblumaasiyadda Gobolka

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo xiriirka ay la leedahay Imaaraadka Carabta waxay muujinayaan isbedbello waaweyn oo ka socda Geeska Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa horey ugu guuleystay inuu yareeyo saameynta Imaaraadka ee gudaha dalka, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda wajahayo dhibaatooyin siyaasadeed isagoo isku dayaya inuu hagaajiyo xiriirka labada dal, iyada oo aan la dayacin madax-bannaanida Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan si buuxda uga faa’iideysan waayo-aragnimadii hore ee xiriirka Imaaraadka, inkastoo uu muddo dheer xiriir dhow la lahaa.

Tags

- Advertisement -