Muxuu Yahay Sawirka Doodda Badan dhaliyay ee Trump ku weeraray Ramaphosa?

Share This

Sawirka uu soo bandhigay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sababay dood weyn iyo falcelin lama filaan ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu si qaldan uga been sheegay macnaha sawirka. Sawirkaas, oo horay u baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu muujinayaa maydad lagu rarayo gaari, balse Trump ayaa si khaldan ugu xariiriyey dilal uu ku eedeeyay in lagu hayo beeraleyda caddaanka ah ee Koonfur Afrika.

Trump oo Arbacadii ku qaabilay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, Aqalka Cad, ayaa kor u qaaday sawir daabacan oo uu sheegay inuu muujinayo beeraley caddaan ah oo la dilay. Balse xaqiiqda dhabta ah, sida lagu caddeeyey baaritaan ay sameeyeen koox ka tirsan Reuters, sawirkaasi waxa uu ka yimid muuqaal laga duubay magaalada Goma ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo 3-dii Febraayo 2025. Muuqaalku waxa uu muujinayey shaqaalaha samafalka oo qaadayey maydadka dad ku dhintay dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo fallaagada M23.

Trump waxa uu sawirkaas u adeegsaday inuu cadaadis saarayo Ramaphosa, isagoo isku dayay in uu muujiyo in caddaanka Koonfur Afrika lagu xasuuqayo, taas oo uu u cuskaday war kasoo baxay bog xagjir ah oo Mareykanka laga leeyahay oo la yiraahdo American Thinker. Warsidahaas ayaa si buunbuunin ah u faafiyey eedeymaha ku wajahan dowladda Koonfur Afrika.

Markii Aqalka Cad laga codsaday in uu ka bixiyo faahfaahin ku saabsan sida sawirka loogu xumeeyey, wax jawaab ah lagama helin. Andrea Widburg, tifaftiraha guud ee American Thinker isla markaana qortay faallada sawirkaas, ayaa Reuters u sheegtay in ay suuragal tahay in Trump “sawirka si khaldan u fahmay,” balse ay difaacayso dhaleecaynta ay u jeedisay dowladda Ramaphosa, oo ay ku eedeysay siyaasado “bidix u janjeedha” oo liddi ku ah caddaanka dalkaas.

Filim-qaadaha Reuters, Djaffar Al Katanty, ayaa xaqiijiyey in isagu duubay muuqaalka muranka dhaliyey. “Waxaan si gaar ah ula xaajooday kooxda M23 iyo hay’adda ICRC si aan u helo ogolaansho aan ku duubo dhacdadaas. Reuters kaliya ayaa haysta muuqaalkaas,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray inuu aad ula yaabay markii uu arkay Madaxweyne Trump oo sawirkiisa gacanta ku haya isagoo si khaldan u adeegsaday.

Trump ayaa booqashada Ramaphosa u beddelay fursad uu ku xoojiyo doodiisa ku aaddan beeraleyda caddaanka ah ee Koonfur Afrika. Wuxuu dhowr jeer joojiyey kulankii la socday si uu u soo bandhigo muuqaallo been abuur ah ama si khaldan loo tarjumay, kuwaas oo laga keenay ilo xagjirnimo ku dhisan.

Ugu dambeyn, Trump waxa uu dib usoo xigtay qoraallo hore oo si qoto dheer uga hadlayay beegsiga beeraleyda Afrikaaner-ka ah, isaga oo ku andacooday in ay la kulmaan falal toos ah oo dil, boob, iyo cabsi gelin ah – inkasta oo aan jirin caddayn rasmi ah oo taageerta sheegashadiisa. Dowladda Koonfur Afrika ayaa si adag uga jawaabtay eedeymahaas, iyada oo sheegtay in aysan jirin siyaasad cunsuriyadeed oo lala beegsanayo caddaanka.

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -