Jabuuti oo Si Diiran u Soo Dhaweeysay Madaxweynaha Somaliland, Cirro, iyo Wafdigiisa

Share This

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si heer sare ah u martiqaaday Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku jooga Jabuuti.

Munaasabadda casho sharafeedkan oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti ayaa muujisay sida ay dowladda Jabuuti u daneyneyso xoojinta xiriirka cusub ee kala dhaxeeya Somaliland. Tani waxay imaaneysaa iyadoo xiriirka labada dhinac uu horey uga xumaaday xilligii uu xilka hayey madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Cirro, oo safarkiisu salka ku hayo dib u dhiska xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dhinac, ayaa kulammo miro-dhal ah la yeeshay hoggaanka sare ee Jabuuti. Wadahadalladaasi waxay diiradda saareen arrimo muhiim ah sida amniga gobolka, kobcinta iskaashiga dhaqaale, iyo dhismaha jawi wadashaqeyn oo waara.

Iyadoo uu khibrad u leeyahay arrimaha dibadda, Madaxweyne Cirro ayaa hadda haysta fursad weyn oo uu ku xoojin karo sumcadda Somaliland ee ku aaddan gobolka Geeska Afrika, isla markaana kor ugu qaadi karo xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka dariska ah.

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -