Villa Soomaaliya oo si qarsoodi ah uga shaqeyneysa go’aan ka dhan ah Imaaraadka Carabta

Share This

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa muujinaya in Villa Soomaaliya ay toddobaadkii tegay si hoose uga shaqeyneysay sidii loo goyn lahaa xiriirka ay la leedahay Imaaraadka Carabta. Talaabadan ayaa ka dhalatay walaac xooggan oo laga muujiyay saameynta sii kordheysa ee Imaaraadku ku leeyahay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan taageerada uu siiyo mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu la yeeshay la-tashi gaar ah la-taliyeyaashiisa arrimaha dibadda, si loo dejiyo istiraatiijiyad lagu yareynayo ama lagu hor istaagayo saamaynta Imaaraadka ee gudaha dalka. Si kastaba, warar diblumaasiyadeed ayaa tilmaamaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda aysan weli la imaan qorshe rasmi ah oo wax ka beddeli kara xaaladda siyaasadeed ee taagan.

Imaaraadka Carabta ayaa horey loogu eedeeyay inuu si toos ah ugu lug leeyahay arrimaha gudaha ee dalal badan oo gobolka ah. Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid la kulmeysa cadaadis ka imanaya faragelinta dibadda, taasoo sare u qaaday cabsi laga qabo in madax-bannaanida dalka lagu dhaawaco xeelado siyaasadeed oo hoos loogu shaqeynayo.

Caqabadaha siyaasadeed ee haatan jira waxay kicisay dood culus oo ah: Villa Soomaaliya ma go’aan rasmi ah bay ka gaari doontaa xiriirka ay la leedahay Imaaraadka Carabta? Tani waa su’aasha ugu weyn ee ay bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaalida ay hadda isweydiinayaan, iyadoo mucaaradku uu fadhigiisu yahay Muqdisho islamarkaana uu wado kulamo looga tashanayo xaalada dalka iyo doorashooyinka la filayo.

Waxaa la sugayaa tallaabada xigta ee madaxtooyada qaadi doonto, iyadoo xaalada siyaasadeed ee dalka ay tahay mid aan deganeyn, culeysna uu sii kordhayo.

Tags

- Advertisement -