Jabuuti — Warar hoose oo laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in magaalada Jabuuti lagu qaban doono kulan muhiim ah oo u dhexeeya Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Madaxweynaha Khatumo State, Maxamed Fardhiye. Kulankan ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeybgalo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Kulanka oo la qorsheeyay inuu ka dhaco todobaadyada soo socda ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanada ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa u dhexeeyay Somaliland iyo Khatumo State. Qodobada muhiimka ah ee miiska saaran waxaa ka mid ah xaalada maxaabiista laga qabtay labada dhinac iyo suurtagalnimada in la is dhaafsado ama la sii daayo.

Sidoo kale, ilo-wareedyo ayaa xaqiijinaya in kulanka uu fursad u noqon karo in dib loo bilaabo wada-hadalladii hakadka galay ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Wadahadalladan ayaa markii ugu dambeysay qabsoomay dhamaadka 2023-kii kolkaas oo Jabuuri lagu kulmay, balse waxa ay hakadeen kadib is-afgaradkii dhexmaray Muuse Biixi iyo Abey Ahmed.
Jabuuti, oo horay uga soo shaqeysay dhexdhexaadinta dhinacyada Soomaalida, ayaa markale isu diyaarinaysa in ay martigeliso dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xalinayo khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Somaliland, Khatumo State iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socda laga helo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan waqtiga rasmiga ah ee kulanka iyo natiijooyinka laga rajeynayo.