Hal Sano iyo 25 Maalmood ayaa ka Harsan muddada Xafiiska Madaxweynaha Iyadoo Qorshuhu Yahay Doorasho Qof iyo Cod Ah.

Share This

Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa uga harsan muddo xileedkiisa dastuuriga ah hal sano iyo 25 maalmood oo kaliya, xilli uu dalku wajahayo marxalad kala guur ah oo lagu wado in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo noqoneysa tii ugu horreysay lixdan meeyadii kadib.

Doorashadan la filayo ayaa loo arkaa mid taariikhi ah haddii la hirgeliyo, maadaama ay dadka Soomaaliyeed si toos ah codkooda ugu dhiiban doonaan hoggaankooda, balse haddana waxaa hareeyay caqabado waaweyn oo su’aal gelinaya in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda.

Khilaaf Siyaasadeed oo Ka Jira Heerka Federaalka iyo Maamul Goboleedyada

Inkasta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si cad u muujisay in ay ka go’an ku tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, haddana xiriirka kala dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada sida Puntland iyo Jubaland ayaa ah mid aad u xun. Waxaa jira isfahan darro siyaasadeed, khilaaf dhanka awood qaybsiga ah iyo eedeymo la xiriira faragelin siyaasadeed.

Maamulada kor ku xusan waxay lafdhabar u yihiin geedi socodka siyaasadda dalka marka laga cabiro saammiga ay ku leeyihiin siyaasadda dalka. Kursiga Ra’iisul Wasaare Xamse oo ay saami ahaan u leedahay beesha degta lamadaas maamul gobal ayaa waxay aaminsanyihiin in uusan ku matali karin, waxaana taasi daliil u ah in uusan tagi karin deegaanada uu matalo.

Dowladda Federaalka ayaa wajahaysa dagaal siyaasadeed toos ah oo ay la gashay maamuladan, taasoo sii murjisay rajadii laga qabay in la helo jawi siyaasadeed oo mideysan oo fure u noqon kara doorasho lagu kalsoonaan karo.

Caqabadaha Ku Gedaaman Doorashada Qof Iyo Codka

Inkastoo rabitaan siyaasadeed laga dareemayo xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddana caqabadaha horyaalla hirgelinta doorashada qof iyo cod ah waa kuwa fara badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin

  • Xaalad amni oo liidata, gaar ahaan deegaannada ay Al-Shabaab wali gacanta ku hayso
  • Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo tan siyaasiyiinta mucaaradka ah.
  • Musiibooyinka bini’aadanimo
  • Faragelinta shisheeye sida xiisadda ka taaggan badda cas iyo mid ka imaaneyso dalalka dariska ah oo aysan muuqan kalsooni iyo isku halleyn buuxda.
  • Kalsooni darrada siyaasadeed ee u dhaxeysa hay’adaha dowladda iyo shacabka
  • Keenidda Ciidamada Nabad-ilaalinta

Sanadkii Ugu Dambeeyay: Fursad Mise Fursad Lumay?

Sanadkan haray ee xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu noqon karaa fursaddii ugu dambeysay ee uu ku hirgeliyo mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu waa weynaa ee uu shacabka u sameeyay doorasho qof iyo cod ah. Laakiin sidoo kale wuxuu noqon karaa waqti ku dhammaada muran, is qabqabsi iyo dhabar jab siyaasadeed haddii aysan jirin heshiis qaran oo dhab ah.

Su’aasha taagan ayaa ah: ma lagu guuleysan doonaa qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah, mise waxay noqon doontaa riyo dib u dhacday?

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -