Xisbiga Dulmi-diid Qaran ayaa soo saaray war qoraal ah oo ay ku taageerayaan doorashadii dhawaan ka dhacday Jubbaland, taas oo lagu doortay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Xisbiga ayaa hambalyo u diray baarlamaanka iyo shacabka Jubbaland.
Warqaddan, oo la shaaciyey 27-ka November, ayaa lagu faahfaahiyay sababaha ay u taageereen doorashada Jubbaland, kuwaas oo ka koobnaa saddex qodob:
- In la soo dhaafay muddadii doorashooyinka maamul-goboleedyada.
- In Dowladda Federaalka ay laashay Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya oo ay heshiis ku ahayd.
- In Dowladda Federaalka ay ku guul-darreysatay hirgelinta Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah oo muhiim u ahayd xalinta arrimaha sharciga.
Sidoo kale, Xisbiga Dulmi-diid Qaran ayaa walaac ka muujiyay ciidamada diyaaradahaan lagu daad gureynayo ee la geynayo Jubbaland, taasoo ay sheegeen inay sababi karto dagaallo waxyeelleeya shacabka deggan gobolladaas.
Xisbigu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay waddo dowladda Federaalka. Guddoomiyaha xsibiga Dulki-diid qaran Jamaal Axmed Ibrahim oo Qadka telephone aan kula hadlay wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ama shaqsi kasta oo awood u siinaya howlgallada ciidamada, in lagula xisaabtami doono cawaaqibkaasta oo ka dhasha ciidamada loo diray Jubaland. Wuxuu intaas sii raaciyay arrin kasta oo ka dhalata ficillada gardarrada ah ee Dowladda Federaalka ah ee ku saabsan duullaanka lagu qaaday deegaan nabdoon oo ay degan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, iyagaa mas’uul ka ah.