Axmed Madoobe waa uu ka biyo diiday qorshaha doorasho ee ay wadato dowladda Federaalka

Share This

Ahmed Madoobe madaxweynaha Jubaland oo ku sugnaa Muqdisho ayaa shalay isaga baxay wadahadaladii la doonayay in isaga lagu qanciyo qaabka doorasho ee dowladda federalka wadato.

Shir gaar ah oo ay lahayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday.

Waxaana la isku mari-waayay qodobada la xiriira Doorashooyinka, dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada kale marka reebo Jubbaland ay ku mideysan yihiin in doorasho toos la galo, iyadoo Jubbaland ay doonayso in doorashadeeda ay si gaar ah u qabsato.

Inkastoo aanu si toos ah u fashilmin shirkii guud ee NCC, haddana waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso in la qanciyo Axmed Madoobe.

Lafta-gareen oo kusoo biiray dadaalada lagu qancinayo Axmed Madoobe.

Dadaal xoog leh oo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe lagu qancinayo ayaa kasocda magaalada Muqdisho, kaasoo waqti badan qaaty.

Sida macluumaadka la helayo ay tilmaamayaan, Laftagareen tyo Xamse waxay goor dhaw la kulmeen Axmed Madoobe, si ay ugu qanciyaan doonista ah in uu aqbalo doorasho mideysan oo 2025-ka dhammaadkeeda ah.

Jubaland ayaa diidan oo doonaysa in doorashada dad-ban ay maamuladu qabsadaan oo aan mudo kororsi loo baahneyn.

Dhinaca Villa Somalia waxay sheegaysaa in uusan Axmed Madoobe kala hadlin arrimaha maqnaanta Puntland iyo SSC-Khaatumo, balse tiisan oo kaliya uu ka hadlay. Hasa-yeeshee dhanka Jubaland ayaa sheegaysa in madasha aysan kala tageynin mudo kororsi dambe.

RW Xamse ayaa ku guuldareystay in uu Axmed Madoobe qanciyo, hayeeshee Laftagareen ayaa kusoo biiray isna hadda, isagoo quuldareynaya joogida xukunka Baydhabo mudo kororsi Xassan Sheekh bixiyey awgeed.

Axmed madoobe ayaa dadka qaar waxaa ay leeyihiin waxaa uu raadinayaa waddadii uu markale xilka ku sii qaban lahaa isagoona hadalka Villa Somalia ka dhan-dhansanaya in isaga lagu soo jeedo.

Sidookale Axmed madoobe oo dantiisa shaqsiga ah fiirsanaya ayaa ka cabsi qaba haddii dowladda in dowladda ay ku lugyeelato doorashada maamulada taasna isaga ay dhabar jab ku noqon karto. Sidaas daraadeed waxaad moodda inuu doorbidayo ineysan gor-gortan ka galin arrimaha doorashada ee isaga uu wato.

Tags

- Advertisement -