Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay sii xoojineyso dadaalladeeda diblomaasiyadeed si ay u hesho hab laysku haleyn karo oo ammaan ah ay ku gaari karto badda. Afhayeenka, Nebiyu Tedla, waxa uu hadalkan ka sheegay maanta kulanka toddobaadlaha warbaahinta ee wasaaradda.
Mowqifka Itoobiya waa in ay heshaa bad sida uu marar badan ku celceliyay raysalwasaarahooda. Soomaaliyana waxay sheegtay in xadgudub lagu hayo madaxbanaanideeda, kadib heshiiska muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ay la gaashay Somaliland.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa sheegay in aysan Soomaaliya marna ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbannaanida iyo Qarannimada Soomaaliya.
Khilaafka labada dal xal ma leeyahay?
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yusuuf oo la hadlay wargeyska Al-sharqul Awsat ayaa sheegay in loo baahan yahay tanaasul.
“Runtii, mawqifyada labada waddan ee ku aaddan fikradda ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed waa mid aad uga fog midba midka kale,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in “xalku ku jiro mid ka mid ah labada dal oo ka tanaasula mowqifkiisa arrimahan” ayuu yiri.
Soomaaliya waxay saaxiibbadeeda caalamka ka codsatay taageero iyadoo adeegsatay hab diblomaasiyadeed.
Horraantii sanadkan markii shir ay isugu yimaadeen xubnaha Jaamacadda Carabta ayaa looga hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Masar oo hadal soo saartay ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda ee Masar, Sameh Hassan Shoukry oo shirkii Ururka jaamacadda carabta kadib hadlay ayaa sheegay in dawladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay dawladda Soomaaliya, balse wuxuu dhanka kale diginiin u jeediyay dawladda Itoobiya, isaga oo sheegay in “In ay cawaaqib xun kala kulmi doonto xadgudubka ay ku sameyneyso shuruucda caalamiga ah”.
Kulamadii ka socday Turkiga qodobbadii la doonayey in la xalliya wax natiijo ah lagama gaarin, waxaana ugu muhiimsan arrinta khilaafka weyn keentay ee ah heshiiskii isfahan ee horraantii sannadkan dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.
Mar uu ka hadlayay ilaa iyo hadda tallaabooyinka la qaaday afhayeenku wuxuu sheegay in lagu heshiiyay wareeg saddexaad oo wadahadallo ah.
Balse ilo shirka ku dhow waxay BBC u sheegeen in wareegga saddaxaad uu dhici doono bisha Septembar inkastoo aan la sheegin taariikhda rasmiga ah ee wareegga seddexaad ee wadahadallada.
Turkiga ma ahan dalka kaliya ee isku dayay in uu dhexdhexaadiyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya. Urur goboleedka IGAD ayaa isku dayay inuu wax ka qabto khilaafka labada dal.
Dhan kale, afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qabanqaabada howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Itoobiya ay si dhow ula socoto xaaladda dalka dariska la ah. waxaan geynay ayuu yiri ciidamo waxaana qeyb ka nahay amaanka iyo xasiloonida gobolka.
“Dalalka ciidamadooda ay ku jiraan ATMIS qeyb muhiim ah ayey kaga jiraan arrinta, aragtidooda iyo walaacdooda waa in la tixigeliyaa si loo fududeeyo in si habsami ah loogu wareejiyo howlgalka ku xigi doono ATMIS” ayuu yiri afhayeenka oo intaas ku daray Itoobiya waxa ay aaminsan tahay in hay’adaha ay quseyso sida Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay xaqiijin doonaan la-tashiyada lagama maarmaanka ee lala yeelanayo dalalka ciidamadooda ay ku jiraan howgalka ATMIS si looga fogaado isfaham la’aan aan loo baahneyn oo keenta xiisado goboleed lama filaan ah.
Waxaa jira dalal ay ku jiraan Jabuuti iyo Masar oo codsaday in ay ciidamo u diraan Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada nabad ilaalinta. Midwoga Afrika waa uu soo dhaweeyay codsiga Masar ay ciidmo ugu soo direyso Soomaaliya. Midowga Afrika waxay sheegeen in howgalka ATMIS lagu badli doono ciidamo cusub oo wata magaca Howgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Tani waxay ka dhigan tahay in ciidamada Masar ay Soomaaliya imaan doonaan horaanta 2025-ka.