Madaxweyne William Ruto ayaa kala diray golihiisii wasiirada marka laga reebo madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka koobaad ee golihiisa.
Kala dirida golaha wasiirada Kenya ayaa ka dambeysay kadib markii mudaaharaadyadii dhawaan hareeyay guud ahaan dalka Kenya oo looga soo horjeeday kordhinta canshuuraha, kuwaas oo qasaaro naf iyo maalba leh geystay.
Golaha Wasiirada ee hadda jira ayaa si weyn isha loogu hayaa iyadoo loo aaneynayo siyaasado aan la jeclayn iyo soo bandhigida wax qabadkooda taasoo ka careysiisay shacabka Kenyaanka ah oo la daalaa dhacaya nolol maalmeedkooda iyadoo ay jirto qiimo sare oo dhanka nolosha ah.
SBN SOMALI TV