ANC iyo DA oo ku heshiiyay qeybsiga golaha xukuumadda!

Share This

Inkastoo aan wali lagu dhawaaqin hadane waxaa is afrad laga gaaray qeybsiga wasiirada xisbiyada siyaasadda South Africa sida ANC iyo DA. Madaxweyne Ramaphosa wuxuu siiyey xisbiga DA wasiiradda hoos ku xusan:

  1. Wasiirka beeraha Agriculture
  2. Wasiirka Arimaha Gudaha Home Affairs
  3. Tacliinta hoose Basic Education
  4. Hawlaha Guud & Dhisme-hoosaadka Public Works & Infrastructure
  5. Isgaarsiinta iyo aaladaha technologiyadda communications & digital technologies
  6. Kalluumeysiga & degaanka fisheries & environment

Waxaa kalle oo lasiin doona DA wasiir kuxigeenadda hoos kuxusan

  1. Maaliyadda finance
  2. Ganacsiga &Warshadaha &Tartanka Trade, Industry & competition
  3. Tamarta & korontodda, waana wazaaradd cusub Energy & electricity, new portfolio
  4. tacliinta sare Higher Education
  5. horumarinta ganacsiga yaryar small business development
  6. Biyaha & Fayadhowrka Water and sanitation

Fiiro Gaar ah: Home Affairs oo si gaar ah u khuseeya bulshadda Soomaaliyeed iyo ajaanibta kaleba

Waxaa dhici karta qorshe horyaala Parliamentka white paper in ey soo gabogebeeyaan ama daaqadda katuuraan, waxaana dhici karta in ey adkeeyaan arimaha sharciga marka aad dib u jaleecdo doodihii xisbiga DA ey hor keeneen Parliamentka.

Carqalladda ugu weyni waxey tahey. DA umalaha waayo aragnimo sidda loo maamullo baddi wazaaradahaa, gaar ahaan Home Affairs

Carqalad kalle oo Qeybsigan ama yegleelidda dowladd waddaag ah oo gebo gebo ku dhow, waxaa carqaladeyn kara ama dib u dhigi kara shaacintoodda goor danbe ku biirista xisbiga EFF

Guul iyo Gobanimo Bi-idnilaah
Lasoco wararka
Waxaa diyaariyey Saeed Furaa, Johannesburg

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -