MW Dr. Xasan Sheekh oo ka qeybgalay aaska qaran ee Marxuum Gud Jawaari

Share This

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.


Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa.


Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale.

Allaha u naxariistee, waxaa goor dhoweyd magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihi hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys.

Prof. Jawaari ayaa xilal dhowr ah kasoo qabtay Soomaaliya, isagoo sanadkii 2012 loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya, mar kalena sanadkii 2017.

Sidoo kale dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayuu kasoo qabtay xilal kala duwan.

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -