Magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho waxaa xalay laga xusay 26-ka Juun oo ku beegan 64-sano guuradii kasoo wareegtey markii gobolladii la oran jiray waqooyiga Soomaaliya oo hadda ah jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ka xoroobeen gumaystihii Ingriiska afar maalmood uun ka hor midawgii koonfur iyo waqooyi.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxaa ay siyaabo iska soo horjeeda uga hadleen heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay ‘xad-gudubka’ dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah madax-bannaanida Soomaaliya, waxa uuna sheegay in “heshiiska aan sharciga ahayn ee dhex-maray Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya” uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.
“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma oggolin. Shalay dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay.”
“Iska iloow sheekada ah saldhig bad baan rabnaa, shalay ma dhicin maantana ma dhacayso” ayuu sidoo kale yiri Xasan Sheekh.
Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka go’an tahay in isfahankii badda loo badalo heshiis rasmi ah.
Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibada xuska maalinta xornimada ee 26 Juun, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay labadaba ka go’an tahay in ay fuliyaan heshiiska oo uu sheegay in uu Somaliland u horseedi doono aqoonsi.
“Su’aasha ah goormaa ayaa la saxiixayaa heshiiska is afgaradka ah ee Itoobiya iyo Somaliland waa ay igu soo noq-noqotay waxaana leeyahay anaga waxba nagama dhul yaallaan oo aroortii hadii ay qolada kale diyaar tahay anagana diyaar baanu nahay,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.
Hase yeeshee falanqeeyeyaasha qaar ee siyaasadda ayaa aaminsan in heshiiska is afgardka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland uusan marnaba dhaqan geli karin halka qaarna ay aaminsan yihiin inay suurogal tahay.
Maxaa loo fasiran karaa hadallada adag ee ay madaxweyneyaasha is dhaafsadeen?
Hase yeeshee Guuleed Dafac oo Hargaysa jooga, kana faallooda arrimaha siyaasadda geeska ayaa sheegay marka la eego khudbadaha labada madaxweyne ay ahaayeen kuwa aan waxba iska baddalin halkii ay kala taagnaayeen.
Waxa uu yiri: “Hadalladan waa kuwa la filan karay karo sabab ma jirin wadahadal toos ah ama dadban oo ogaalkeena dhex-maray Soomaaliya iyo Somaliland ama ha khuseeyaan mawduucaan ama mid kaleba marka maaddaama aysan taas jiri way adagtahay in isu dhawaasho cusub uu ka yimaado inay sii kala fogaadaan ma ahane.”
Marka la eego halka ay xaaladdu mareyso ma dhaqan geli doonaa heshiiska is afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland maxayse yihiin caqabadaha hortaagaan
“Heshiiskan hirgelintiisa aad ayuu u adag yahay, mana ahan mid suurageli karo. Itoobiya awood ay ku aqoonsato Somalilana maleh oo iyada dhexdeeda ayuu tafaraaruq ka jiraa, haddii ay aqoonsato waxay ka dhigan tahay in dalal badan oo Afrika ay kala go’i doonaan oo meesha uu ka bixi doono heshiiskii Midowga Afrika ee 1964 ku gaareen Addis Ababa ee ahaa in xuduudaha loo dhaafo siduu gumeystaha uga tagay. Marka tallaabadaas waxaa ka bilaaban doonto fowdo guud oo Afrika ah taas oo dal waliba iska aqoonsado gobolkuu rabo,” ayuu yiri Cumar Yuusuf Cabdulle oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye madax banaan.
Waxa uu sheegay in labo sababood uu heshiiskan suurtagal ku noqon karin hirgelintiisa.
“Iyadoo Soomaaliya ay heshiis militari ee ilaalinta badda la gashay Turkiga oo aan ognahay sida ay u sarreyso awoodiisa dhanka ciidamada badda ah, sidaas awgeed Itoobiya iyadana way ogtahay in heshiiska suurgal noqon karin ee labo ujeedo midkood ayay leedahay: kow in indhaha adduunka ee hayo Itoobiya iyo dhibaatada gudaha ee muwaadiniinteeda heysata ka jeediso una jeediso inuu jiro cadaw guud oo Itoobiya is hayaan si midnimo gudaha ah u abuuranto. Labo: sababta ay Itoobiya wali u hirgelinin heshiiska yahay inay rabto in Soomaaliya ka dhaadhiciso in mar waliba ay heshiiska hirgelin doonto sidaa awgeed Soomaaliya ku qasbanaato inay qeyb ka noqoto heshiiska. Taasi oo ah mid suurtogalnimadeeda aysan caddayn.”
Dhanka kale Guuleed Dafac ayaa sheegay in labada dhinacba ay dadaallo diblomaasiyadeed wadaan aakhirna ay noqonayso in cidna wax hesho cidna wax weyso.
“Labada dedaal ee ay wadaan labada dhinac oo ay dabcan Itoobiyana qeyb ka tahay ayey Somaliland iyo Itoobiya ay doonayaan inuu heshiiskaasi dhaqan galo, iyagoo wada dedaallo diblomaasiyeed halka dowladda Soomaaliyana ay waddo dedaalladeeda diblomaasiyadeed iyo galaangalkeeda siyaasadeed oo ay ku dooneyso inuusan dhaqan gelin heshiiskaas midkood baana laga yaabaa inuu aakhirka guuleysto ama heshiiskii dhaqan galo oo Itoobiya iyo Somaliland sida ay doonayaan ay noqonto ama inuusan dhaqan gelin heshiiska ama uu dib u dhac ku yimaado oo ah sida ay Soomaaliya dooneyso marka haddii uusan wada hadal iman waxay noqoneysaa in cidna wax hesho cida wax weydo,” ayuu yiri Guuleed Dafac.
Guuleed Dafac ayaa sidoo qaba in Itoobiya ay haystaan labo caqabadood: “Tan hore, dowladda sharciyadda adduunka ka haysata ee la fadhida IGAD, Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay waa dowladda Soomaaliya, xukunkii awoodeed ayay lumisay 1991 markii ay dowladdii dhexe burburtay cidda wax xukunta ee Somaliland ahna waxay la’dahay aqoonsigii ay adduunka ka heli lahayd marka labadaa dhexdooda arrin kaga jira oo ah arrin murugsan ayay Itoobiya dooneysaa inay maaro u hesho,” ayuu yiri Guuleed Dafac.
Waxa uu sidoo kale sheegay in markii ay Itoobiya iyo Somaliland galeen heshiiska is-afgaradka “ma ahayn mid la sii ogyahay marka waxa uu noqday bam weyn oo ku qarxay geeska Afrika”.
“Tallaabadaas ayaa waxa ay keentay falcelin badan oo ka yimid geeska Afrika iyo adduunyada kale marka cadaadis fara badan ayaa Itoobiya fuulay taas ayaana keeneysa inay rog-rogto xaaladda oo ay dooneyso inay hesho waddo ay ka baxdo waana sababta uu madaxweynaha Somaliland u sheegay inuu isagu diyaar u yahay oo aanay waxba ka dhul oolin.”
Hadalladan labada dhinac is weydaarsanayaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisadda labada Itoobiya iyo Soomaaliya ay cirka isku sii shareereyso.