Dacwad ka dhan ah MW Xasan Sheekh oo beesha caalamka loo gudbiyay, maxay tahay sababta?

Share This

Dacwad ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo gudiyay beesha caalamka. Dacwadda oo qodobeysneyd ayaa madaxweynaha iyo dowladdiisa lagu eedeeyay kutagrifal awoodeed, xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha, nin-jecleysi iyo musuq maasuq.

Jamaal Ahmed Ibrahim oo ku saxiixnaa warbixintaan ayaa la hadlay TV-ga SBN Somali wuxuuna u sheegay in ulajeedkoodu yahay iney saxaan waxyaabaha ka qaldan dowladda. Wuxuu intaas raaciyay in madaxweynaha uusan laheyn qorshe dagaal oo ku aadan dagaalka Alshabaab. Wuxuu intaas ku daray in hey’adaha dowladda uu ka dhexjiro musuq-maasuq baahsan.

“Dadka loosoo xiray musuq-maasuqa waxay ahaayeen dadkii la shaqeynaayay Farmaajo dowladdiisa” sidaas waxaa yiri Amb Jamaal Axmed Ibrahim oo horay u soo noqday wakiilkii Soomaaliya ee IGAD una tartamay xilka madaxweyne doorashadii dhacay 15 May 2022.

Gabagabada warbixintooda ayaa waxay ku dalbadeen in culeys siyaasadeed la saaro madaxweynaha iyo maamulkiisa. In lagu qasbo dowladda iney dhageysato saamileyda siyaasadeed tabashadoodana wax laga qabto iyo in dowladda si simman ugu adeegto shacabka Soomaaliyeed.

Haddaba halkan kala deg qoraalka ay beesha caalamka u dudbiyeen oo pdf ah, ka daawo wareysiga Jamaal Axmed Ibrahim oo dhameystiran adigoo gujinaya linkiga hoose. https://youtu.be/6kus3xy0F18

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -