Shirka 37aad ee midowga Africa oo ka socda Addis Ababa ayaa wafuuddii ka qeybgashay waxaa kamid ahaa madaxweyna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda Africa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey Itoobiya “xushmad darro” inay kula dhaqaaqday shir madaxeedka midowga Afrika ee hadda ka socda Addis Ababa, isagoo sheegay in saraakiisha amniga ay isku dayeen in ay u diidaan inuu galo halka shirku ka socdo. Wuxuu sheegay in markii dambe loo ogolaaday inuu galo.
Wuxu mar kale ku celiyey madaxweynaha Soomaaliya, isagoo la hadlayey suxufiyiinta, inuu ka xun yahay in Itoobiya “ay isku daydo inay qiil u samayso” heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland. “Itoobiya waxay doonaysaa inay dhul ka qaadato Soomaaliya” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare oo Somaliland ka socota diyaar garow halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda.
Muhiimad gaar ah ayay u aheyd Soomaaliya in ay tabashadeeda ku soo bandhigto madal looga arrinsanayo mutaqbalka Africa, islamarkaana ay fadhiyaan dhammaan hoggaamiyayaasha Africa.
Muhiimad gaar ah ayay u aheyd Soomaaliya in ay tabashadeeda ku soo bandhigto madal looga arrinsanayo mutaqbalka Africa, islamarkaana ay fadhiyaan dhammaan hoggaamiyayaasha Africa.
Khudbadda madaxweynaha Soomaaliya uu halkaas ka jeediyay waxay ceeb iyo waji gabax ku noqotay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo madasha goob-joog ka ahaa, islamarkaana ay si toos ah u quseesay tabashada Soomaaliya.
Abey Ahmed iyo Muuse Biixi oo kala saxiixda MOU-ga Soomaaliya ka biyo diiday.
Khudbadda madaxweynaha Soomaaliya uu halkaas ka jeediyay waxay ceeb iyo waji gabax ku noqotay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo madasha goob-joog ka ahaa, islamarkaana ay si toos ah u quseesay tabashada Soomaaliya.
Arrintan ayaa imaanaysa ayadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweynaha Soomaliya uu iska dhaqaaqay ayadoo la garaacayo muusigga astaanta u ah calanka Itoobiya.
Haddaba ma dhici kartaa in qof mas’uuliyad waddan haya uu iska dhaqaaqo isagoo aan raacayn borotokoolka, oo xanaaqsan, muxuuse arrinka noocaas ka qabaa diblomaasiyadda caalamiga ah.
Arrintaas ayaan u bandhignay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya danjire Axmed Ciise Cawad.
“Hanaanka diblomaasiyadda sidiisaba waa qaab uu is ixtiraamid ku dheehan yahay, waana mid dhinacyada oo dhan ay wada xushmeeyaan.” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray danjire Cawad in “uusan jirin sharci gaar ah oo jabaya haddiiba ay dhacdo in ayadoo muusigga calanku socdo uu qof mas’uul ah iska dego, laakin ay fiican tahay in borotokoolka la raaco.
Soomaaliya ayaa u aragta iney maanta heshay fursad mihiim ah oo dagaal diplomacy-yadeed ay ku qaadday Ethiopia oo ku soo xad-gudubtay madax-bannaanida Soomaaliya.
Abey Ahmed ayaa mar sii horreeysay ka meereystay inuu ka qeybgalo shirkii IGAD ee lagu qabtay Uganda ee looga hadlayay cabashada Soomaaliya ee ay Ethiopia ka qabtay.