Gabadhan oo lagu magacaabo Tyla ayaa ah Fanaanadan da’da yar oo u dhalatay Koonfur Afrika. Tyla ayaa ayaa ku guulaysatay abaalmarinta Grammy qaybteeda bandhig-faneedka ugu wanaagsan Afrika.
madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa oo khadka telephone ka kula hiriiray ayaa ugu hamalyeeyay guusha ay dalkeeda u soo hooysay, waxaana sidoo kale uu guusheeda ka horsheegay baarlamaanka South Africa xilli uu jeedinayay khudbaddiisa sanadlaha ah.
Fanaanada ayaa abaal marinta ku mutaysatay heesteeda qaabka deggan loo qaaday ee Water oo noqotay mid caan ka ah caalamka, kadib markii dadyoow kala duwan ay soo jiidatay.
qoob ka cayaarka lagu soo bandhigay heestan ayaa loo yaqaan Bakadi oo ah nooc kamid ah qoob ka cayaarada South Africa, waxayna iska daba dhawyihiin oo lagu qaldaa nooca loo yaqaan Twerking.
Tyla waxay ku aqbashay abaal-marinteeda xaflada 66-aad ee abaalmarinta Grammy Awards ee ka dhacday tiyaatarka Peacock ee Los Angeles. Waxayna aheyd xafladda hordhaca ah oo la qabto ka hor xafladda weyn, waa meesha inta badan abaal-marinaha lagu bixiyo.
heesteeda water ayaa kaalinta 7aad ka gashay boqolka heesood ee ugu saameynta badan caalamka.
“Haddii aadan i garan, magacaygu waa Tyla, waxaan ka imid Koonfur Afrika, sannadkii horena Ilaah wuxuu go’aansaday inuu beddelo nolosheyda oo dhan”.
Tyla ayaa si muuqata ugu faraxsanayd inay hesho abaalmarinta la guddoonsiiyay ee Grammy, iyadoo mataleysa kooxdeeda iyo guud ahaanba dalkeeda South Africa.
Heesteeda ay guusha ku muteysatay ee water ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyay July 2023-dii markii bulshada Tiktok ee caalamka ay ka fureen tartamo qoob ka cayaar ah oo la dulsaarayo heestan.
heesta watar ee ay abaalmarinta ku heshay ayaa lagu duubay magaala xeebeedka Cape Town, waxayna noqotay mid soo jiidatay indhaha caalamka.
Tyla ayaa noqoneysa qofkii ugu da’da yaraa ee South African ah ee ka soo muuqda liiskaas heerka sare ah. Waa 22 jir heesaa Koonfur Afrikaan ah. Waxay ku dhalatay kuna kortay Johannesburg, waxay heshiis la saxeexatay Epic Records 2021-kii, kadib markii taalantigeeda ay ku soo bandhigtay baraha bulshada.
SBN SOMALI TV
facebook: https://web.facebook.com/SBNSOMALI
youtube: https://www.youtube.com/@SBNSOMALITV/videos