Xanuunka cancer oo asalkiisu Soomaalidu u taqaanay mid shisheeye oo aan iyaga haleelin ayaa hadda ku badanaya oo ku dhex faafaya bulshada Soomaalida ee geeska Afrika.
Kansarka cunaha, naasaha iyo mindhicirka oo uu wehliyo kan ragga u gaarka ah ee qanjirka kaadida ayaa lagu tilmaamay kuwa ugu badan eel aga helayo bukaanada Soomaalida ah ee baaritaanka gudaha iyo dibeda lagu sameynayo.
Isbitaalka guud ee Hargeysa oo sameeyay tirokoobkii ugu horreeyay abid ee bukaanada Kansarka ee Somaliland ayaa soo bandhigay tiro argagax leh.
Isbitaalka oo sanad iyo bar kahor yeeshay qeybta daweynta iyo daryeelka bukaanada Kansarka ayaa sheegay shan boqol iyo labo lixdan qof oo ay ka baareen xanuunka inay Kansar ka heleen 180 qof oo ka mid ah dadkaas, sida uu BBC u sheegay Dhakhtar Cumar Biixi oo madax ka ah qeybta cusub ee Kansarka ee Isbitaalka Hargeysa.
“Waa tiro aad u badan, marka la eego tirada dadkeenna,” ayuu yiri Dhakhtar Biixi oo tilmaamay in tiro kooban uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah islamarkaas na aysan jirin tiro koobyo hore oo la barbardhigo.
Waxa uu intaa ku daray tirada dadka la baaray iyo kuwa laga helay ay yihiin keliya bukaanada yimid Isbitaalka Hargeysa, oo aysan ku jirin bukaanada kale ee laga yaabo inay tagaan xarumaha kale ee caafimaadka ee Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.
Waxay taasi ka dhigan tahay inay jiraan tiro kale oo dad ah oo cudarka looga baaray xarumaha kale ee Somaliland, ama xitaa goobaha caafimaadka ee dalalka dibeda, oo ay Soomaalidu badidood u aadaan daweynta xanuunka Kansarka.
Dhakhtar Biixi oo aan weydiinay sababta maqalka kiisaska Kansarka ugu badanayaan Soomaalida dhexdeeda waxa uu ku sheegay hab nololeedka Soomaalida oo isbedelay, oo hadda la mid noqday habka nolosha bulshooyinka reer galbeedka, oo ay Soomaalidu markii hore u arki jirtay in Kansarku gaar ku yahay iyaga.
Waxa uu intaa ku daray sidoo kale kiisaska Kansarka ee Soomaalida si uun loo la xiriirin karo nooca cuntooyinka aan qaadano, fadhiga badan iyo socod la’aanta oo ay wehliso isku dheelitirnaan la’aanta cuntooyinkeenna.
Haddaba, Wax ka ogow Afarta cunto ee aan sida maalinlaha u qaadano ee sababi kara Kansarka
Bariiska oo cuntooyinka ugu badan ee aan sida maalinlaha u qaadano
Dad ku dhow afar bilyan oo qof oo ku nool dunida ayaa ku tiirsan bariiska oo ay ka helaan 20 boqolkiiba tamarta ay u baahan yihiin. Bariiska waxaa nooca cunto ee ugu badan ee ay Soomaalidu qaadato si la mid ah bulshooyin kale oo badan.
Sidaas oo ay tahay, waxaa jira digniino dhowr ah oo laga bixinayo in cunista xad-dhaafka iyo badsiga bariiska uu si uun qeyb uga noqon karo in uu sababo halista Kansarka.
Madaxa qeybta Kansarka ee Isbitaalka Hargeysa, waxa uu sheegay in bariiska si la mid ah cunooyinka kale ee warshadeysan, in uu uga halis badan yahay Kansarka marka la barbardhigo cuntooyinka dabeeciga ah.
Xadidka yurub ee lagu taliyo in bariiska laga qaato waa waa in dadka miisaankoogu yahay 70 kiilo in aysan ka badan 100 garaam inta uu ciiriinka yahay, ama 70 garaam marka la kariyo. Waxaa sidoo kale carruurta shan snao jirka ah ee 20 kiilo ah lagu la taliyaa in aan la siin bariis ka badan 30 garaam karinta kahor ama 20 garaam marka uu karsan yahay.
Sidaas oo ay tahay qaadashada bariiska cad ma leh halis haddii loo qaato qiyaas dhexaad aan joogto ahayn islamarkaas lagub dheelitiro cuntooyinka kale ee kala duwan, oo uu cagaarka iyo khudaarto ka mid jirto.
Burka oo ay Soomaalidu wax badan ka sameysato ama ku darto sida canjeelada maalinlaha ah.
Burka cad waxa uu ka mid yahay cuntooyinka aan si na looga waayin guryaha Soomaalida, oo ugu yaraan maalinle ah ayay u badan tahay in loo cuno. Sidaas oo ay tahay, waxa uu ka mid yahay cuntooyinka halista ah ee kuu horseedi kara Kansarka.
Sababtu ma ahan wax kale, waa in kalariin gaas oo badan lagu daro xilliga la warshadeynayo. Daqiiqda cad waxaa sidoo kale ku badan tusaha glycemic, taas oo ah maado sababi karta inuu keeno kororka gulukooska dhiigga iyo heerarka insulinta.
Sonkorta oo aan wax walba ku darsano islamarkaas na iska badino
Saynis yahanadu hadda waxay ogyihiin in cunista waxyaabaha macaan ee badan aanay keeni karin sonkorowga oo kaliya balse si firfircoon u waxyeeleeya unugyadaada oo ay kordhiso halista aad ugu qaadi karto kansarka. Laakiin intaas kuma koobna.
Cilmi-baaris hore ayaa waxay soo jeedinaysaa in sonkortu ay sidoo kale kicin karto koritaanka burooyinka jidhka sababtoo ah kansarku wuxuu jecel yahay inuu isticmaalo sonkorta sida shidaalka.
“Cunitaanka sokorta firfircoon ee unugyada kansarka waxay keenaysaa wareeg xun oo ah kicinta joogtada ah ee horumarinta kansarka iyo korriinka,” ayuu yiri Johan Thevelein, oo ah cilmiga bayoolajiga ku takhasusay markii daraasaddiisa 2017 la sii daayay.
Saynis yahanadu waxay yiraahdeen cilmi baaristan cusub waxay ina siinaysaa faham wanaagsan oo ku saabsan sida sonkorta iyo kansarka ay u wada dhaqmaan, iyo in ay maalin uun caawin karto abuurista xeelado cunto oo loogu talagalay bukaanka.
Badsiga baastada oo ah cunto kale oo guryaha Soomaalida ku badan
Baastada iyo karbohaydraytyada kale ee cad waxay leeyihiin oo ku badan tusaha glycemic sare, taasoo la macno ah inay si degdeg ah u kordhiyaan heerarka sonkorta dhiigga.
Daraasad ay sameysay xarunta caafimaadka Cancerka ee Jaamacada Texas ayaa muujisay dadka cuntadooda ay lahayd tusaha glycemic sare inay boqolkiiba 49 khatar weyn ugu jiraan in laga helo kansarka sanbabada.
Ku darida dufan caafimaad qaba (sida saliid saytuun) iyo borotiinka baastada waxay caawisaa hoos u dhigista guud ee tusaha glycemic index ee cuntada ay qayb ka tahay.
Dhakhtarka Cumar Biixi oo ah madaxa qeybta Kansarka ee Isbitaalka Hargeysa waxa uu ku talinayaa inay dadku iska yareeyaan cuntooyinka warshadeysan, islamarkaas na ay badsadaan kuwa dabeeciga ah iyo khudaarta.
Waxa uu sidoo kale ku talinayaa inay ku dedaalaan socodka oo ay dhimaan miisaankooga islamarkaas na iska yareeyaan fadhiga badan.