Margaret Arnolds oo ka tirsan xisbiga African Independent Congress (AIC) ayaa iyada oo aan cidina la tartamin loo doortay afhayeenka magaalada Johannesburg.
Arnolds ayaa ku fadhiisan doonta kursiga shaqada adaq ka dib markii la ceyriyay Colleen Makhubele, kaas oo xubinnimadiisa COPE la joojiyay usbuucii hore.
Sida laga soo xigtay xisbiyada isbahaysiga ee ee ay hogaaminayaan ANC/EFF/PA, jagada afhayeenka waxaa loo qoondeeyay kutlad laga tiro badan yahay, waxayna go’aamiyeen in booska bannaanaaday ay buuxiso Arnolds.
“Shaki kama qabno inay wax ka qaban doonto oo ay ku fiicnaan doonto jagada afhayeenka. Waxay ahayd mid joogto ah, iyada oo udub dhexaad u ah hogaaminta iyo midaynta xisbiyada laga tirada badan yahay ilaa 2016. Waxay ciyaartay doorkaas muhiimka ah waxaanan ku kalsoonahay in maadaama ay si fiican ugu adeegtay MMC, inay si fiican u shaqeyn doonto mudda ay heyso xilka afhayeenka. Taageerada aan u hayno musharaxnimadeeda aad bay u caddahay, waxaana ku kalsoonahay inay u shaqayn doonto dadka reer Johannesburg”.
Arnolds ayaa muujisay rabitaankeeda ku aaddan doorka cusub ee ay ka cayaareyso Johanneburg, iyadoo sheegtay in tani ay muujinayso sida xisbigeeda uu diyaar ugu yahay qabashada xilkaas.
Xoghayaha gobolka ANC Sasabona Manganye ayaa tiri “Qabashada jagada afhayeenka golaha waxa ay muujinaysaa in AIC ay awood u leedahay in ay wax maamusho iyo in aanu haysano dad lagu kalsoonaan karo oo maamuli karo xil sidaas u weyn. In kasta oo aannu yarnahay, haddana waxaynu leenahay saameyn. Waxa aanu hogaaminaynay xisbiyada laga tirada badan yahay tan iyo markii la aasaasay. Isku soo wada duuboo xisbiyada yaryar waxay ahayd maskaxdeyda,” ayay tiri.
“Guddoomiye ahaan, waxaan jeclaan lahaa inaan kalsooni ka helo xildhibaan kasta oo ka tirsan golaha deegaanka oo aan u xaglin hal xildhibaan. Waxaan jeclaan lahaa in aan xaqiijiyo in golaha uu si habsami leh u maamulo, 6-da milyan ee deggan Johannesburgna ay helaan adeegyo la gaadhsiiyay.
DA ayaa qaadacday fadhigii aan caadiga ahayn ee golaha ay ku doorteen Arnolds.
Johannesburg oo ah magaalada ugu weyn dalka South Africa muddoyinkii dambe ku yimid isbad-badallo deg-deg ah, iyadoona ah magaallo ay si weyn ugu loolamaan xisbiyada siyaasadda dalka.