Howlgal ballaaran oo shalay laga fuliyay xaafadda Soomaalida Cape Town ayaa poliska waxay gacanta ku dhigeen alaabo been abuur lagu sheegay oo qiimahoodu ka badan yahay 75 milyan oo lacagta South Africa ah intii lagu guda jiray howlgal Jimcihii ka dhacay xaafadda Bellville ee magaalada Cape Town.
Taliyaha booliska qaranka General Fannie Masemola oo gaaray goobta uu howlgalka ka socday ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku soo wajahan yihiin bakhaarro iyo dukaamo lagu iibiyo dharka iyo dahabka been abuurka ah.
Noocyada been abuurka ah ee ay booliisku la wareegeen jimcihii waxaa ka mid ah saacadaha Rolex, Nike, Puma, iyo dharkaloo badan oo diyaarsan oo lagu iibinayay goobaha ganacsiga ee Soomaalida iyo Ethiopian-ka.
Saacado aad u badan ayay police ka mu mashquulsanaayeen daad gureynta alaabtaas lagu iibiyo xaafadda Soomaalida u badan tahay ee Cape Town.
Masemola waxa uu sheegay in booliisku ay hawlgallada ka fulin doonaan dalka oo dhan ka hor xilliga ciidaha gaar ahaan inta aan la gaarin ciida masiixiga ee ku beegan 25-ka Dec.
Xubno ka tirsan boosliska oo warbixin siinayay taliyaha oo goobta ku sugan ayaa waxay u sheegayaan in ay goobta isaga carareen milkiilayaasha. Balse xaqiiqada ayaa ah in police ku ay kala ceyriyeen dhammaan dadkii lagaa iyo ku ka shaqeynayay goobahaas, waxaana loo diiday in ay agagaarka yimaadaan.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in howlgalka ay hurmuud ka ahaayeen koohda la yiraahdo Brand protectors oo ilaaliyo adeegyada magaca ah ee ay soo saaraan shirkadaha waaweyn ee caalamka, kuwaas oo u arka in uu gacansiga Soomaalida iyo Ethiopian-ka uu halis ku yahay jiritaanka ganacsigooda.
“Tani waa bilow un, tani waxay dileysaa dhaqaalaha dalka, sababtoo ah alaabooyinkani waa kuwo been abuur ah”
Waxaa la sheegaa in la gubayao alaabaha howlgalladaan oo kale lagu qabto balse ilaa iyo hadda ma heynno caddeymo la xiriira meel lagu gubay agabkii laga uruuriyo goobaha ganacsiga Soomaalida ee xaafadda Bellville 10-sano ee la soo dhaafay.
Haddii ay xoogeystaan howlgallada noocaan ah waxaa suuragal ah in u dhac xooggan uu ku yimaado horumarka ganacsiga Soomaalida South Afirca.
Abdikarim Mursal
SBN Somali