Malema oo u dabaaldagayay sanadguuradii 10aad ee EFF ayaa balan qaadyo in uu kursiga ka tuurayo ANC sanadka 2024

Share This

Hogaamiyaha EFF Julius Malema ayaa si xowli ah u bilaabay ololaha doorashada xisbigiisa ee 2024 sanad guuradiisa 10-aad, isagoo wacad ku maray in kooxdiisa ay ka qaadi doonto ANC xukunka. Taageerada xisbigu waa 10.8% marka loo eego doorashooyinkii hore ee qaranka.

Hogaamiyaha EFF Julius Malema ayaa khudbadii uu ka jeediyay xafladii sanadguurada 10-aad ee xisbiga ee ka dhacday garoonka FNB ee magaalada Soweto waxa uu si kulul u weeraray kuwa sheegay in xisbigu uusan sii jiri doonin wax ka badan hal sano.

Sabtidii, Malema waxa uu la hadlay kumanaan taageerayaasha EFF ah oo ka kala yimid dhammaan dalka, kuwaas oo u yimid inay u dabaaldegaan guusha xisbigu gaaray mudo 10 sano ah.

“Waxay yiraahdeen EFF wali waa ay sii jiri doontaa, Haddii ay jecel yihiin iyo haddii kaleba. Maanta ayay marqaati ka yihiin taariikhda,” Malema ayaa sidaas dad aad i fara badan ku yiri cod dheer oo farxad leh.

EFF waa xisbiga saddexaad ee ugu weyn dalka, South Africa, wuxuuna jira waqti gaaban, waxaana si weyn saameyntiisa looga dareemayaa sayaasadda dalka.

Malema ayaa sido kale weerar ku qaaday saxafiyiin uu sheegay inay iyaguna qoreen xisbiga markii la aasaasayay.

Waxay yiraahdeen EFF xitaa sanad ma sii jiri doonto, maanta, waxaan eegay iyaga oo gudaha garoonka dhex socda – maxaa ceeb ah.

Waxa uu ku andacoodey in wariye Subaxnimadii Sabtida TV uu sheegay in xisbiga kaliya ee buuxin kara garoonka FNB Stadium uu yahay ANC, balse uu taleefoon u diray saxafiga una sheegay in EFF uu yahay xisbiga kaliya ee awooda u leh in uu buuxiyo staduim-ka iyo inka badan caddaddii loogu talagalay.

Garoonka FNB waxa uu qaadi karaa 94,000 oo qof, taageerayaasha EFF ayaana soo buux dhaafiyay.

Aaway maanta, waayo ilmaha dhashay 2013 maanta waa 10 jir, waxay yiraahdeen EFF waa xisbi aan wax saameyn ah yeelan doonin, waxay na barbar dhigeen Cope, ma nihin Cope, waxaan nahay jiilkii naga soo baxay. awoowayaasha waa ay sugayeen,” Malema ayaa sidaas ku yiri cod farxad leh oo aad u dheer.

EFF waxay soo bandhigtay kulan dadweyne oo u muuqday in uu yahay dhoola tus siyaasadeed. Waxay muujisay awoodda ay ku dhex leedahay bulshada dadka madoow ee South Africa. Munaasabadda 10 guurada EFF waxay saadaalineysaa in doorashada nagu soo aadan uu xisbiga la imaan doono saameyn u dhiganta tan ANC.

Abdikarim Mursal

SBN NEWS

Cape Town.

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -