Ruushka ayaa in ka badan 684 million oo doolar bartamihii toddobadkan ka cafiyay Soomaaliya ka dib heshiis ka dhacay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka.
Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka ee Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa saxiixay heshiiska uu Ruushka in ka badan $684 million kaga cafiyay Soomaaliya sida laga soo xigtay telefishanka qaranka Soomaaliya.
Heshiiskan ay door wayn ka qaadan doona dhammaystirka geediga deyn cafinta Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirkii hore ee maaliyadda dowladda Soomaaliya, Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu sheegay in Ruushku ogolaaday in Soomaaliya uu ka cafiyo deyn dhan 600 oo Milyan oo doolar.
Xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka ayaa u muuqda mid soo noqonaya iyadoo bishii Maarso uu wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya booqday Ruushka markaas oo kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay xukuumadda Moscow.
Shir jaraa’id oo ay labada dhinac wadajir ugu qabteen Moscow ayay ku sheegeen inay uga wada hadleen hagaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, oo aan horumar weyn sameyn wixii ka dambeeyay markii kacaanku xiriirka u jaray Midowga Sofiyet shan iyo afartan sano kahor. Wixii markaas ka horreeyay Ruushka ayaa xiriir dhor kala dhexeeyay Soomaaliya, iyada oo loo arkayay in uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ku yeeshay dhismaha ciidanka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ruushka ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero qalab militari oo ka caawin kara dagaalka lagu la jiro kooxda Al-Shabaab.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka Geeska Afrika ee Ruushka juqraafi ahaan doonayo inuu xiriir la sameysto.
Cabdisalaam Guuleed oo ah khabiir amni iyo taliye-xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa BBC u sheegay inay u eg tahay in kulamada labada dhinac ee Moscow ka dhacay kuwo muddo dheer laga shaqeynayay, isaga oo xusay in kaalmo ciidan oo laga helo Ruushka inay wax badan ka bedeli karto awoodda dowladda iyo amniga gudaha.
“Soomaaliya way u baahan tahay dalal badan oo ka caawiya dagaalka Al-Shabaab. Ruushka waxa uu ka mid noqon karaa kuwa ugu mudan ee gacanta weyn geysan kara,” ayuu yiri Cabdisalaam.
Waxa uu se intaa ku daray in dowladda Soomaaliya u baahan doonto qorshe fadhiya, taxadar iyo tashi weyn sida ay u maareyneyso xiriirka ay dooneyso inay la yeelato Ruushka oo colaad weyn kala dhexeyso dalalka reer galbeedka ee ay Soomaaliya ku tiirsan tahay dhaqaale iyo siyaasad ahaan ba.
Haddaba sidee ayuu ku burburay xiririirkii Soomaaliya iyo Ruushka? Sidee ayuuse ku bilowday?
Billowgii xiriirka Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya
Xiriirka diblomaasiyadeed ee Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya waxaa la aas aasay Sebtembar 11, 1960. Bishii Juun 1961 waxaa la kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqanka ee labada dal.
Sannadkii 1962-kii, waxaa bilowday xiriirkii ugu horreeyay ee dhinaca milateriga, iyadoo 50 askari oo ka tirsan milateriga Soomaaliya loo diray inay waxbarasho milateri ka helaan Midowga Soofiyeeti.
Dhanka kale Midowgii Soofiyeeti waxay Soomaaliya siisay dayn dhan 32 milyan oo doolar si loo casriyeeyo loona kordhiyo tirada ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
Soofiyeedku waxa kale oo uu gacan ka geystay hawlaha samafalka, isaga oo dawladdii madaxweyne Siyaad Barre ka caawiyay wax ka qabashada abaartii Dabadheer ee ka dhacday gobollada waqooyi ee dalka (gaar ahaan Hobyo iyo Caynaba) markaas oo diyaarad lagu soo daadgureeyay ilaa 90,000 oo qof oo ka kala yimid gobollada abaarta ku dhufutay.
July 11, 1974, Soofiyetka iyo Soomaaliya waxay saxiixeen heshiis saaxiibtinimo iyo iskaashi.
Burburka xiriirkii Soofiyeetka iyo Soomaaliya
Ka dib markii uu bilowday dagaalkii Soomali Galbeed ee ka dhanka ahaa Itoobiya waxaa go’ay xiriirkii Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeedka taas oo meesha ka saartay saaxibtinimadii labada dhinac.
Bishii Nofeembar 1977-kii, Madaxweyne Siyaad Barre wuxuu ku dhawaaqay in la joojiyay Heshiiskii Saaxiibtinimo ee Soofiyeedka iyo Soomaaliya ee la kala saxiixday sannadkii 1974-kii.
Qorayaasha Adduunku waxay Soomaaliya ku tilmaamaan in aysan weli ka soo waaqsan jabkii ka soo gaarey dagaalkii 1977-1978 ee xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya.
Intaa ka dib Barre waxa uu eryey dhammaan lataliyeyaashii Soofiyeedka, isaga oo shakhsi ahaanna u beddelay xulufaysigii Isbahaysiga Bari una wareegay Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka.
Shir madaxeedkii Ururka Midowga Afrika ee Sannadkii 1978-kii, Barre wuxuu si adag uga hadlay saamaynta Soofiyeedka ee Geeska Afrika.
Xiriirka hadda ee Ruushka iyo Soomaaliya
Hadda waxay u egtahay in uu soo hagaagayo xiriirka Ruushka iyo Soomaliya, iyadoo Ruushka uu dhowr jeer gargaar bini’aadannimo u soo diray Soomaaliya.
19-kii April 2016, Ra’iisul Wasaarahii Soomaaliya ee xilligaas Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, isagoo ka codsaday dowladda Ruushka inay ka caawiso sidii loo xoojin lahaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee dagaalka kula jira ururka ah ee Al-Shabaab.
Bishii Janaayo 2018, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka Arkady Dvorkovich ayaa la kulmay Xasan Cali Khayre oo xilligaas Soomaaliya raysal wasaare ka ahaa, waxayna ka wada hadleen xoojinta qaab dhismeedka Dhaqaalaha ee Davos.