Wax ka ogoow maskaxdii ka dambeysay afgambiga ka dhacay Niger

Share This

Madaxii ilaalada madaxtooyada Niger, Abdurrahman Chiani Ali, loona garan ogyahay Alias Omar Chiani ayaa sidoo kalana ah maskaxda ka dambeysay afgambigii Niger.

Madaxweyne Mohamed Bazum oo doorasho dimuquraadi ah ku yimid kursiga madaxweynenimo ayaa laga tuuray xilka.

Bishii July ayaa afgambi ka dhacay Niger wuxuu isu badalay qalalaaso, halka wadamada dariska la ahna ay ka dhaceen isku dayo afgambi kale oo midkaas lamid ah.

Madaxweyne Bazum ayaa loo arkayay inuu xulufo dhaw la ahaa reer galbeedka.

Qaar kamid ah wadamada reer galbeedka aya arjo ka qabay in ay Niger ka dhigaan gole lagala dagaalamo ururada isku tilmaama jihaad doonka iyo falaagooyinka ka soo horjeeda dawladda.

Kooxda jihaadiyiinta ah ee ka soo ifbaxday Mali sanadkii 2012 kii ayaa isku fidisay dhul balaaran oo ku yaalla wadamada gobolka sanadihii la soo dhaafay, waxaana kamid ahaa dalalkaas Niger iyo Burkino Faso.

Mali ayaa iyadu casuuntay kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner, taas oo sababtay in ay waddanka ka cayriyaan ciidmadii Faransiiska iyo dublumaasiyiin kale oo caalami ah.

Sidoo kale ilaa 13,000 oo ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo ka socday Qaramada Midoobay ayaa joojiyay hawlgallo ay gobolka ka wadeen.

Xaqiiqada ah in madaxweynaha Niger laa tuuray talada, ayna arrinkaa sameeyeen Janaraaladiisii ciidnaka, waxay sii xumeyneysaa xiriirkii ka dhaxeeyay reer galbeedka iyo Niger.

Chiani

Sharfidda hogaamiyaha

Janaraal Chiani oo la sheegay inuu hugaaminayay afgambiga Niger ayaa kamid ahaa ilalada qaaska ah ee madaxweynihii waddanka ee ay talada ka afgambiyeen. Wuxuu hawshaas hayay tan iyo snadkii 2011 kii.

Niger muddo afar jeer ah ayuu ka dhacay afgambi tan iyo markii ay xurriyadda ka qaateen gumaystihii Faransiiska.

Inkasta oo Janaraalkaan uusan ku dhawaaqin inuu afgambiga sameeyay, sidoo kalana aan muuqbaahiyaasha laga arkin, hadaa waxaa la aaminsan yahay inuu dhawaan soo muuqan doono isaga oo ah madaxa kooxda.

Dhanka kale milatriga ayaa wuxuu sameeyay koox loogu magac daray ‘Golaha Ilaalada Wadaniyiinta Qaranka’.

Isaga oo adeegsanaya golahaan ayuu xilkii ka qaaday madaxweynihii dalka isaga oo ku eedeeyay inuu xumeeyay dhaqaalihii, maamulkii iyo amnigii dlaka.

Chiani oo 62 jir ah ayaa la siiyay darajada Janaraal sanadkii 2018 kii. Wax sidaas u badan lagama oga noloshiisa ciidan, shaqsiyadiisa iyo xitta waxbarashadiisa. Balse isaga iyo ragga kale ayaa magacyadooda marar badan laga maqlay warbaahina gudaha Niger sanadkii 2018 kii, kaddib markii ay ka soo muuqdeen maxkamd, iyaga oo lagu eedeeyay isku day afgmabi oo dhacay sanadkii 2015 kii.

Idaacada Faransiiska ayaa warbixin ay bahaisay ku sheegtay in Jnaraalku u uku qanciyay garbaha kale ee milatariga kadib markii uu dhacay afgambigu inay madaxweynaha ka dhigaan xabsi guri.

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published.

- Advertisement -